Wednesday, June 25, 2014

Muxuu Benzema ka Yidhi awooda Xulkiisa Faransiisku la soo baxay Sannadkan.


Karim-Benzema-640x360Weeraryahanka xulka qaranka dalka Faransiiska Karim Benzema ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo in isaga iyo xulkiisa Faransiiska awoodooda inta lagu guda jiro Koobka Adduunka ay sii laba lixaadsan doonto kadib markii ay xulkiisa ku dur-duriyeen Switzerland.




 




Weeraryahankan ayaa goolkiisii saddexaad ka dhaliyay inta uu socda tartanka ciyaartaas oo 5-2 guusha ku raacday dalkiisa Faransiiska, halka sidoo kalena Olivier Giroud, Blaise Matuidi, Mathieu Valbuena iyo Moussa Sissoko ay shabaqa soo taabtayn.




 




Benzema ayaa haatan kusoo laabtay gool dhalintii lagu yaqiin kadib markii xiddigan intii u dhaxaysay June 2012 ilaa iyo October 2013-kii 15 kulan iyo 1,222 daqiiqo uu xulkiisa u saftay awoodi waayay inuu shabaqa soo taabto, balse Benzema ayaa haatan ku kalsoon inuu dalkiisa u qaban doono intaas in ka badan“Waxaan dareemayaa wanaag dhan 100%, laakiin waan ka sii fiicnaan karaa,” ayuu 26-jirkan u sheegay France Football.