Saturday, June 28, 2014

Khaatumo oo Dacwad ka dhan ah Somaliland u gudbisay David Camaron


Tawfiiqda  Khaatumo ma Khilaafka dhexdooda ayaa wiiqay, mise colaadda ka dhaxaysa Somaliland?




down streetLondon(GNA)-Jaaliyadda Taageersan Maamulka la baxay Khaatumo, ayaa maanta Mudaharaad dhowr ujeeddo xambaarsan ka dhigay afaafka hore ee Xafiiska Reysal-wasaaraha Ingiriiska meesha loo yaqaan Down Street.




Mudaharaadkan ayay kaga soo horjeedeen waxay ku tilmaameen faro gelinta Somaliland ku hayso deegaamada Khaatumo sheegato, iyagoo dhanka kalena ku taageeray go’aan dhawaan Beesha Caalamku ka soo saartay xiisad dhawaan ka dhacday Jiida Gobolka Sool, taasoo ahayd Dagaallo dhex maray Ciidanka Somaliland iyo Maleeshiyaadka Khaatumo iyo walaac laga qabay inay colaad u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland ka qaraxdo Deegaamadaas.




Cabdi Faarax Mahad oo ka mid ah Masuuliyiinta Khaatumo ee dalka Ingiriiska, kana mid ahaa dadkii horkacayay dibad baxa, ayaa BBC-da uga waramay ujeeddada ka dambeysay Mudaharaadka, waxaanu sheegay inay Qoraal cabasho ah u gudbiyeen Reysal-wasaaraha Ingiriiska iyo Warbaahinta Caalamka.




“Saddex qodob ayay ahayd ujeeddada Mudaharaadku, qodobka koowaad waxa weeye go’aankii bulshada caalamka iyo qaramada Midoobay iska taageen dhibaatooyinka lagu hayo Deegaamada Khaatumo ayaanu taageeraynay, waxa kale oo lagu cambaareynayayay weerarada qaawan ee isdaba jooga ah ee Maamulka Somaliland ku hayo deegaamadaas iyo Todobaadka ugu dambeeya june ee Xornimada Soomaaliya oo lagu taageerayay. Saddexdaa qodob ayaa looga danleeyahay”ayuu yiri.




Mahad ayaa intaasi ku daray “Warsaxaafaddeed ayaannu u qaybinay Warbaahinta Reer Galbeedka, Reysal-wasaarahana waxaanu u gudbinay aanu ugu sheegno  mab’dii’da Khaatumo, Bilayskayaga nabadda aanu u qabno iyo gar-darada nalugu hayo.




Annagu (Khaatumo), waxaannu toos ula xidhiidhnaa dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, albaab naga xidhanina ma jiro, waxaanu nahay nidaam jira oo lagu soo duulay”ayuu yiri.




Kala Haab




Dibad baxan oo ah kii labaad ee ay Khaatumo ka dhigaan gudaha dalka Ingiriiska, kagana soo horjeedaan Somaliland, ayaa ku soo aadaya xili ay Maleeshiyaadka hubaysan iyo Madaxda Maamulkooda dhawaan lagala wareegay degmada Taarikhiga ah ee Taleex oo shirweynihii labaad uga socday.




Tan iyo markii laga wareegay taleex waxa muuqata inuu sii xoogaystay kala qaysanaan iyo khilaaf u dhexeeya Maamulka sare ee Kooxda oo uu ka mid yahay Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh.




Galaydh iyo Xubno ka mid ah hogaanka dhaqanka iyo siyaasadda ee Maamulkaas ayaa ku sugan Degmada Saax-dheer oo ka fog Taleex, halkaasoo ay laba jeer Ciidanka Somaliland ka saareen.




Mucaawimada Taleex




Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Somaliland ayaa laba maalmood ka hor askar tiro badan oo loogu talo galay inay difaacaan Degmada Taleex Qaramaysay, mucaawimo ay ku sheegeen 15000 Tan oo Raashin ahna gaadhsiiyay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan Dhulkaasi.




Mucaawimadaas ayaa ahayd tii ugu horaysay ee ay Dadka Deegaankaasi si toos ah uga helaan  dawladda iyo Hay’addaha Gargaarka ee degen Somaliland.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com