Monday, June 30, 2014

Q/M oo Kenya ka caawineysa Dagaalka ka dhanka ah argagixisada


Nayroobi (GNA) Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay dowladda Kenya ka taageeri doonto la dagaallanka argagixisada.




Ban Ki-Moon ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Sabtidii la qaatay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta




Wuxuu xusay in Qaramada Midoobay ay Kenya ka taageerayso dhanka xoojinta laamaha ammaanka, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya, Koonfurta Sudan iyo waddamada harooyinka waaweyn ee gobolka.




Xoghayaha ayaa ku ammaanay Kenya kaalinta hoggaamineed ee la dagaallanka Argagixisada iyo ilaalinta deegaanka.




Kulanka uu Ban Ki-Moon la yeeshay madaxweynaha Kenyatta ayaa daba socday shirkii golaha deegaanka ee Qaramada Midoobey oo Jimcihii lagu soo gabagabeeyey magaalada Nairobi