Saturday, June 28, 2014

Sheikh Umal: Bishii Ramadaan waa la arkay"Daawo


Nairobi(GNA)-Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida ayaa sheegay in dalka Kenya laga arkay Bilshada Bisha Barakaysan ee Ramadaan, sidaa darteed berri la soomayo.




Warkan ayuu kaga dhawaaqay Taleefishan Afka Soomaaliga ku hadla.




Dunida Islaamka ayaa Caawa laysku raacay inaan la arag Bisha, isla markaana bisha Shabcaan 30-keeda lagu dhamaynayo.




Wadanka Soomaaliya ayaa meelaha qaar laga shaaciyay inaanay Berri Ramadaan ahayn ee Axadda la soomayo.




laakiinse sheikh Umal ayaa isagu xaqiijiyay in Kenya ugu yaraan saddex qof arkeen bisha Galabta.




Halkan ka Daawo warka uu sheegay: