Thursday, June 26, 2014

Faysal Cali Waraabe oo Bogaadiyay Madaxweyne Siilaanyo Maanta


Muxuu kula Garnaqsaday Taageerayaasha Subeer Awal...?




xirsi iyo faysalHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo ku bogaadinayo laba arrimood uu ay xukuumaddiisu qaaday  maalmihii ugu dambeeyay.




Waa hadalkii ugu horeeyay  ee uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Taageero siyaasaddeed ugu muujiyo Madaxweyne Siilaanyo, inkasta oo uu todobaadkii hore ka qayb-galay kulan madaxtooyada ka dhacay oo ay asxaabta siyaasadda iyo Madaxda Goleyaasha Qaranku ku shaaciyeen qadiyada Somaliland iyo xuduudka dalka.




”madaxwaynaha laba arin labaddaba waan ku bogaadinya horumarka uu ka sameeyay taleex waan ku bogadinyaa waxa kale oo an bogadinaya waftiga debedda loodirayo ee xukuumaddu rabto in qadiyadeena caalamka ay kaga dhaadhiciso” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal oo Maanta ka hadlayay Xaflad xisbigiisu ku soo dhaweeyay Taageerayaal ka soo guuray Xisbiga Khilaafku hadheeyey ee Kulmiye.




Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay inay Bulshada ka soo jeedda Deegaamada Waqooyiga, Bariga iyo Galbeedka Hargeysa ay hore uga hiiliyeen Xisbigiisa Kulmiye,balse buu yidhi maanta ay u hiilinayaan Musharaxa Madaxweynaha oo deegaamaddooda ka soo jeedda.




Eng. Faysal oo ka hadlayay Xaflada xisbigiisu ku soo dhaweeyay Taageerayaasha Kulmiye ayaa yidhi”anigga Subeer Awal waxa uu hore iiga hiiliyay Laba jeer imikana iimay hiilin ee waxay u hiiliyeen inanka subeer awal ee xisbiga ku jira”.




Bogaadinta uu Madaxweynaha u diray ayaa u muuqata mid muujinaysa in xaalad diblo maasiyaddeed oo weyni u dhaxaysa Somaliland iyo Beesha Caalamka.




Wasiirro Xukuumadda Somaliland ka socda ayaa Magaalada Nairobi kula kulmaya diblomaasiyiin iyo dad kale oo metelaya Dawladdaha xidhiidhku ka dhexeeyo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com