Saturday, June 28, 2014

Sheeko Xigmadaysan: Ma ila socotaa? Q.2-aad


???????????????????????????????Akhristeyaal waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Qormadii labaad ee Sheeko xigmaddeeddii aan ugu magac bixinay “MA ILA SOCOTAA”




Sheekada Maantuna waxay ku bilaabmaysaa sidan:




Beribaa waxa jiray Nin Hilible ah, kaasoo  iibinta Hilinka ka masruufi Qoys ka kooban laba Wiil oo uu dhalay iyo Hooyaddood.




Wuxuu ahaa Nin aan Xoogsigiisa dhaqaale ah ka dhigan ee wixii soo gala marka uu Masaariifta reerkiisa ka bixiyo wixii uga soo hadha cuna.




Sidii uu u shaqaysanayay ayaa maalin maalamaha ka mid ah Xanuun ku soo booday  oo  uu jiifsaday, wax yar ka dibna wuu dhintay, isagoo aan wax lacag ah oo  meel u yaallaa jirin, wax hantiyana uu gacanta ku hayo laba Geel ah oo midi maalintii uu dhintay ay u qalnayd, ta kale noolayd, balse uu doonayay inuu yoomka ku xiga qalo.




Markii uu dhintay waxa Labadii Neef, hashii qalnayd duco looga  Aaskiis. Tii noolaydna waxay Dhaxal u noqotay Qoyskiisii oo ay markaa gaashaan qaad ahaayeen labadiisa wiil.




labadii inan markii uu Aabbood dhintay waxay ku tashadeen inay Hashaa nool ee wax adduunyo ah uu aabbohood uga tegay ay ku shaqaystaan, isla markaana samaystaan sanduuq ay ku uruursadaan lacagta uga soo baxda.




Sidiibay yeeleen oo hashii intay qaleen ayay Meheradii Aabbood dib ugu fureen.




Waxa kale oo sidii heshiisku ahaa ay sameeyeen Sanduuqii ay lacagta faa’iidada ah ku ridayeen oo ay u dhibteen Nin Tukaan haysta oo ay Macaariif isku lahaayeen, kaasoo ay ka codsadeen inuu meel ammaan ah u dhigo.




Markii ay muddo dheer shaqaynayeen ayay maalin maalmaha ka mid ah xisaabtameen oo lacagtii ay sanduuqa ku ridayeen ay isu geeyeen, dabadeed waxay arkeen in lacag badani u uruurtay.




Mid ka mid ah labadii Wiil ayaa markii ay xisaabtameen waxa uu walaalkii ka codsaday oo uu ku yidhi “walaal Hebelow waxaan doonayaa inaan lacagtaa aynu shaqaysanay badh ku Guursado” waanu ka aqbalay walaalkii.




Dabadeed markii uu hawshii guurka guddo galo ayuu Ninkii Dukaanka u tegay Subax subaxyada ka mid ah si uu sanduuqii Kaydka ahaa lacag ugala soo baxo.




Waxaana xusid mudan, in Sanduuqan lacagtu ugu jirto ilaa markii ay bilaabeen ilaa marka uu doonayo inuu kharashka hawsha arooska kala baxo,uu u qufulnaa oo ay iyagoo qudha ay  furaha haysteen.




Lacagta Sanduuqa ugu jirtayna waxay u badnayd lacagtii Qadaadiicda la odhan jiray, kadibna Markii uu Dukaankii tegay ayaa Ninkii uu Sanduuqii u soo dhiibay.




Dabadeed wuu furay, saa lacagtii ugu jirtay shilin kuma jiro, taasoo fajac iyo ammakaag ku abuurtay.




Isagoo aad uga murugaysan waxa uu la kulmay, ayuu u qayshaday Ninkii kale ee ay walaalaha ahaayeen, ku yidhi “Sanduuqii wax lacag ah waan ka waayay!”.




Wiilashii Waxay ninkii dukaanka haystay waydiiyeen cidda lacagtii kala baxday sanduuqa, waxaanu  u sheegay inaanu ogoyn cid la baxday.




Markii ay  sidaasi dhacday Labadii Nin waxay u ashkato tageen Nin Xaakin ah oo Magaaladda degenaa, waxaanay uga warameen qiisada ku dhacday.




Markii ay u warameen wuxuu amar ku bixiyay Xaakinkii in loo yeedho Ninkii Dukaanka haystay.




Dabadaddeed waxa Maxkamadii yimi ninkii Meherrada haystay, kaasoo xaakinkii waydiiyay meesha ay martay lacagtii ku jirtay Sanduuqa Nimankani u dhiibteen.




Waddaadkii Dukaanka lahaa wuxuu Qaadigii u sheegay inaanu ogayn cid la baxday lacagtaas, warna u haynin waxa ku jiray sanduuqa Nimankani u dhiibteen, intii uu u hayay ee ay Meheradiisa ay taalayna  uu qufulnaa sanduuqu oo iyagoo qudha ay  furihiisa hayeen haday wax kala baxayaan iyo haday wax ku ridayaanba.




Sidaas markuu sheegay, ayaa Xaakinkii Maxkamaddu wuxuu mar ku bixiyay in Dab la shido, dabkaasna  la saaro Digsi weyn oo Biyo ah.




Waxa kale oo uu askartiisii ku amray inay soo qaadaan wax allaale wixii lacag  Dukaanka yaalla, ee qadaadiic ah ama dhagxaan.




Sidiibay Askartii yeeshay, lacagtii Meherada taalay oo dhana waxa loo keenay qaadigii Maxkamadda. dabaddeed qaadigii waxa uu mar kale amray in lacagta lagu rido Dheriga Biyaha ah ee dabka saarnaa.




Markii ay dhagaxaantii Qadaadiicda ahayd  wakhti yar ku jirtay biyaha Baylka ah, ayaa waxa Dherigii soo kor maray Subag.




Waxaana la ogaaday in lacagtani ahayd tii Sanduuqa ugu jirtay labadii Nin ee Qaadiga u soo dacwooday, taasoo ka soo jeedday Hilib ama ka soo baxday.




Halkaasaanay ku caddaatay inuu isagu la baxay  lacagtii la waayay, waxaanu qaadigii ku xukumay in dhamaan waxa meheradiisa yaalla  ay la wareegaan labada wiil ee wada dhashay iyo waliba xadhig Ganaax ah oo uu ku mutaystay Khiyaamada uu sameeyay.




May ila socotaa…




Boqor Faysal Cismaan Faarax




Hargeysa/ Somaliland




Email: kindfaysal111@hotmail.com




Tel: 0634426644