Thursday, June 26, 2014

Geeska Afrika: Nuxurka aragtiyo isdiidan oo 26 June lagu xusay "Hargeysa iyo Muqdisho"


Madaxweyne Siilaanyo: waan ku Hungownay Calankii Lixdankii”




Madaxweyne Xasan Sheikh: waxaan haysanaa fursad ka wanaagsan xornimadii lixdankii”




Xasan-Siilaanyo-300x1662Hargeysa(GNA)-26 June waa maalin mudnaan ku leh Geeska Afrika,




Waa maalintii ay dadka reer Somaliland xoriyada ka qaateen boqortooyada Ingiriiska 54 sanno ka hor, iyadoo maanta oo kale ay dadkii xiligaas joogay u ahayd maalin ay soo baxday cad-ceed ka maqnayd qarni ka badan Mujtamaca Soomaaliyeed oo dhan.




Sidaasoo ay tahay hadana Magaalada Hargeysa oo  halkii laga taagay Calanka Soomaaliya ee Buluuga ah , si weyn loogama xusin Maanta 26 June, inkasta oo Caawa xaflad loogu dabaal degayo  lagu qabanayo  aqalka Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.




Taasi waxay muujinaysaa inaanay qiimo weyn ugu fadhiyin Somaliland xoriyada 26-kii june, sababo ka dhashay natiijadii ay ka dhaxleen  himiladdoodii xiligaas.




Hogaamiyeyaasha xukunka haya ee Somaliland iyo Soomaliya  ayaa  dhambaalo ay ku xusayaan 54 Sanno guurada ka soo wareegtay markii ugu horaysay ee calan Soomaaliyeed laga taagay Magaalada Hargeysa, ka soo kala saaray Hargeysa iyo Muqdisho.




. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo soo saaray qoraal Hambalyo ah ayaa sheegay inay Shacbiga Somaliland ku hungoobeen Midnimadii ay kula biireen calankii Hargeysa laga taagay walaalahooda kale ee Soomaaliya, Shaqaalaha dawladduna Maanta waxay ahaayeen Fasax, iyadoo dhinaca kalena, Warbaahinta Dawladda ayaa laga baahinayay Suugaan ku saabsan maalintan.




Madaxweyne siilaanyo:




Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland




Madaxweyne Siilaanyo“Madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland  isgoo  ku hadlaaya  magaciisa ,magaca golayaasha qaranka  iyo guud ahaanba magaca shacabka  jamuuriyada Somaliland  waxaaa uu munaasibada 26 –june  darteed  hambalyo u dirayaa   shacabka reer Somaliland  guud  ahaan meel kasta oo ay joogan gudo iyo dibadba.




Madaxawayanaha jamuuriyada Somaliland waxa uu xusay  gobonimadii dadka reer Somaliland ay heleen 1960-kii  in ay noqon wayday oo wixii laga  filaayay  ay marin habawday,  shacabka Somaliland  wanaagii  iyo jecelkii  ay u qabeen walalahooda somaliya  waxaa loogu badaley, dhibaatooyin iyo burbur  gayaysiiyay aakhirkiina keenay in  dalkooda ay gabi ahaana ay dibada uga baxaan   cadaadiskii,dilkii  iyo dhicii lagu hayay darteed.




Qalad-kaasi  dhacay lixdankii   waxaa dib loo saxay  1991-kii  markaasi oo gudoon lagu gaadhay  qaranimada Somaliland in ay gaarkeeda ay ahaato,  lana abuuro  dawladnimo  dadkeeda u dhigta  mustaqbal  iyo aayatiin wacan , waxaanay  dawlada Somaliland iyo shacabkeeduba u quus go’nayaan  kuwa quudaraynaya wixii la odhan jiray somaali-wayn in anay waligeed dhici doonin in go’aankooda ay dib uga laabtaan  shacabka Somaliland .




Xaqa  go’aan ka gaadhista aayahooda  cidna marti ugama aha, Dadaalka ay  ku xaqiijinayaan qaranimadooduna  waa tii ay ku soo dhiseen  nabad galyadooda, nidaamkooda dawladnimo, oo saldhig adag ay u  tahay  nidaam  tastuur ah oo  waajibinaya  jidhka dawladnimada loo marayo oo ah   nidaam dimuqaraadi ah.




Ugu danbayntii  madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland  waxa  uu u soo jeediyay  shacabka reer Somaliland in ay foojignaan dheeraad ah  u yeeshan  nabad- galyadooda iyo difaaca qarankooda”.




Dhinaca kale, Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya oo 1-dii Jully 1960-kii  iyana xoriyad laga qaatay Gumaystihii Talyaaniga, hase ahaatee xornimada Hargeysa e 26 June naruuro u ahayd,  ayaa xalay munaasibad balaadhan lagu qabtay, taasoo markii wakhtigu kala wareegay loo istaagay daqiiqdo calankii 60-kii xornimada ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska.




Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud,oo ka qayb galay Xafladaas, ayaa sheegay  xornimada Soomaaliya ku timi dedaal iyo halgan dhiig iyo tacab badani ku baxay.26june23




Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa yiri: “Dadka Soomaaliyeed meel walba ay caalamka ugu nool yihiin ee magaca Soomaaliyeed sheeganaya caawa waa u ciid, waxaan rabaa inaan iraahdo ciid wanaagsan, waa maalintii ugu horeeysay ee calan Soomaaliyeed dhul Soomaaliyeed oo xur ah laga taago, qof walba oo Soomaaliyeed waa inuu weyneyaa maalintaasi ku asteysan maanta” Ayuu yiri Madaxweynaha.




Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatadii ka dhacday dalka aysan umadda Soomaaliyeed ilowsiin doonin taariikhdeenna. “dhibaato waay dhacday waxbadanna way naga qaldameen hasa ahaatee taasi macanaheedu maaha in dhibaataaasi na ilowsiiso taariihdeenna. Wax walba oo dhacay waan ka heshiineynaa Ilaahey idinkiis,”26junse




Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey 26 juun 1960-kii ay umadda Soomaaliyeed u istaagtay in ay qaadato kaalinteeda. “ maalintaasi wixii ka dambeeyey Somaaliya waxay u istaagtay in ay kaalinteed qaadato, halgankaasi meel ayuu soo gaaray oo aan dhisanay calankaasi baluuga ah. ayuu yiri Madaxweynaha.




Madaxweynaha oo ka hadlayey midnimada umadda Soomaaliyeed ayaa yiri. “Maanta waan ka fusrado badannahay maalintaas, waan ka aqoon badan nahay, waan ka tiro badan, waana ka xoolo badan nahay. Waxa naga haleysan waa siyaasadda, waana tooseeysaa, midnimadiina waa soo laabnaneysaa, waliba si wallatinimo leh iyo is jacayl ayey ku soo laabaneysaa”.




 “Sigaar ah waxaan hambalyo u leenahay dadka ku nool magaalada Hargeysa oo ah halkii maalintaasi laga taagay calanka Soomaaliyeed, waxaan lee yahay hambalyo, waxaan kaloo idin lee yahay Ramadan Kariim”




Madaweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay guryahooda iyo goobahooda ganacsiga suraan calanka Soomaaliyeed maadaama lagu jiro Todobaadkii xurriyadda. “Todobaadkan waxaa la yiraahdaa Isbuucii xurriyadda, waxaan ugu baaqayaa umadda Soomaaliyeed in calanka Soomaaliyeed ee quruxda badan ee leh midabka baluuga ah ee xidigta dhaxda ku leh in guri kasta iyo goobaha ganacsiga laga taago, waxaan rabnaa inay ka muqato dalka isbuucii heybada , isbuucii sharafta”.




Sidoo kale Reysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Maxamed Axmed, ayaa si la mid ah Madaxweynaha dalkiisa u soo dhaweeyay sanad guurada xuska 54-aad ee xoriyada soomaalida.




Reysal-wasaare Sheikh ayaa sheegay inay Soomaaliya maanta u baahantahay in laga xoreeyo Duulaanka Kooxaha xag-jirka ahi ku soo qaadeen, taasoo uu tilmaamay in loo baahanyahay in loogu istaago si heer qaran ah.




Dhinaca kale Shucuubta labadan dal waxa muuqata in qolo waliba siyaasadda hogaankooda la aragti yihiin, isla markaana reer Soomaaliya  ay niyad wanaag iyo dareen farxad badani ku jirto ku qaabileen 26 june, halka reer Somaliland aanay muhiimad la mid ah xuska 18 May siinin, siday doontaba haku timaadee.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com / curad1986@hotmail.com