Friday, June 27, 2014

Madaxda Asxaabta Somaliland oo ka muquurtay Xafladii 26 june


DSC_0184Hargeysa(GNA)-Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbiga Qaran iyo Shir-guddoonka Baarlamanka labada xubnood ee ugu sareeya ayaa ka muquurtay oo aan ka soo qayb gelin xafladii xalay lagu qabtay madaxtooyada ee lagu xusayay sanadka 54-aad ee ka soo wareegtay markii dadka reer Somaliland xoriyada ka qaateen Maxbiyadii Ingiriiska.




Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxaam Cirro iyo Saleban Maxamuud Aadan ayaan midkoodna ka soo soo daahirin munaasibada oo xalay saacad dambe lagu soo gabagabeeyay aqalka looga arrimiyo waddanka, iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ee xaflad ay dadka miisaanka ku leh dalwaddu sidan oo kale uga wada maqnaadaan.




Madaxweyneha Somaliland, ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa la arkayay iyagoo soo fadhiya qaybta Madaxda xaflada loogu talo galay, iyadoo ay weheliyeen Madaxweyne ku-xigeenkii Rayaale Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Guddoomiye ku-xigeenka Wakiilada Baashe Maxamed Faarax.




Sida oo sida la sheegay xaflada lagu soo casuumay dhamaan madaxdan oo dhan, hadana waxa dadweynuhu markii shaashadaha laga arkay ay markiiba tabeen hogaamiyeyaasha Mucaaridka iyo madaxda baarlamanka.




Si gaar waxa looga tebay Munaasibadda Guddoomiyaha Xisbiga khilaafku hadheeyay ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay maalinkii ugu dambeeyay doraad is maandhaaf culus soo kala dhex galay Madaxweyne Siilaanyo.




Asxaabta kale ee Qaranka ayaa waxa metelayay xubno xilal hoose ka haya oo aan ahayn ragii hogaanka ahaa, waxaanay taasi muujinaysaa inay Mucaaridka,siiba madaxda Xisbiga Waddani iyo Xukuumaddu aanay isku waji furnayn, iyadoo Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanku ay yihiin  Masuuliyiin  madax ahaan Hay’addaha Dastuuriga ah ugu sareeya.




Wariyayaasha Gobanimonews ee ka qayb galay munaasibadu waxay sheegayaan inaanay ahayn xaflada lagu xusay 26 june mid la mid ah xafladihii hore, lana dareemayay inay aad uga miisaan yarayd.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com