Monday, June 30, 2014

Wiilasha Van Gaal Oo 88 Daqiiqo Kadib Si Mucjiso Ah Ugu Baxay Wareega 8-da


netherlandsNetherland ayaa wakhti dambe kala daba timid oo 2-1 ku jiidhay Mexico habeen aad u xalad lahaa ciyaartii ka dhacday magaalada Fortaleza, sidaasna xulka Latin Americanka ah kaga reebay tartanka Koobka aduunka.




1-0 ay hogaanka ku hayeen tan iyo daqiiqadii 88 aad ee ciyaarta, Mexico waxaa ku dhacay mashaqo sida loo ilaabaa ay adag tahay , waxaana ka dhashay goolkii barbardhaca ahaa , iyo waliba kii guuldarada u horseeday.




Ciyaaryahanada tababare Miguel Herrera ayaa isu taagay inay ka dhabeeyaan in markii koowaad ay iska xaadiriyaan wareega 8 da koobka aduunka oo ay ugu dambeysay 1986 kii, laakiin ciyaaryahanka bedelka ku soo gallay ee Klaas-Jan Huntelaar rigoodhihii uu ka dhaliyey kadib goolkii barbardhaca ahaa ee uu Holland ugu bareejeeyey Wesley Sneijder daqiiqadii 88 aad, waxay candhuuftiina dib u liqa ku tidhi , wiilashii madaalayaasha ahaa ee Mexico.




Marna may filaynin shacabka Mexico in guuldaro u xigi doonto guushii Giovani dos Santos uu hogaanka ugu dhiibay bilowga qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaase xaal ku soo gebo gabaysmay guul Holland gaashay iyo cadaynta in wali xulkii ugu awooda badnaa Tartanku ku sii baaqi yahay Koobka aduunka