Friday, June 27, 2014

Djibouti oo u dabaal degaysa sanad-guuradii 37-aad ee Xoriyaddeeda


djiboutiDjibouti(GNA)-Dalka Djibouti ayaa waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 27 june looga dabaal degay  sanad guurada 37-aad ee ka soo wareegatay markii dalkaas xoriyada ka qaatay Gumaystihii faransiiska.




Munaasibaddo waaweyn oo lagu xusayo maalintaas ayaa ka dhacay Magaalada Caasimada ah iyo magaalooyinka kale ee dalkaas,




Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka qayb galay munaasibada, waxaanu booqday  deegaanka Cali-sabiix oo uu salaan sharaf kaga qaatay cudubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee dalkiisa.




Madaxweyne Geelle, ayaa khudbad uu xalay u jeediyay dadka reer Djubouti ku sheegay inay jiraan khatarro amni oo ku soo kordhaya Gobolka, kuwaasoo loo baahanyahay inay ka foojignaadaan shacbigiisu.




Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay Djibouti horumar dhaqaale iyo mid siyaasaddedba ku tilaabsatay, isla markaana ay higsanayaan meel halkan ka wanaagsan oo shacbi iyo dawladba lagu tanaado.




Hogaamiyeyaasha Gobolka




Hogaamiyeyaal Siyaasaddeed oo Afrikaan ah iyo kuwo Caalamka ka socda ayaa xuskan kala qayb galay shacbiga Djibouti.




Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka mid ah Madaxda Soomaalida uga qayb gashay, kaasoo wefti Soomaaliya ka socda hogaaminayay.




Sidoo kale siyaasiyiin badan oo heer gobol ah ayaa Hambalyo hawada u mariyay dalka Djibouti, waxaana ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.




Xiiso gaar ah




Dabaal-degyada xuska Djibouti waxa lagu soo bandhigaa sanad kasta Suugaan iyo Barmaamujyo kale oo lagu diyaariyay Luuqadaha dalka lagaga hadlo.




Gobanimonews




Djibouti Office




Email: editor@gobanimonews.com