Monday, June 30, 2014

Burco oo Qiimaha korantada 25% laga dhimay


Waa markii ugu horaysay ee qiimo dhimis noocan ah shirkaddaha ganacsigu Macaamiisha u sameeyaan, marka laga reebo isbed bedelka sicirka Isgaadhsiinta oo Tartan ka jiro..




DSCF2164Burco(GNA))-Shirkada Laydhka ee HECO oo ah shirkad ay  ku midoobeen Afar Shirkadood oo Magaalada Burco laydhka u shida ayaa markii ugu horaysay Xalay ku dhawaaqday inay  macaamiisheeda qiimo dhimis balaadhan u samaysay.




Qiimaha Korantada Magaalada  Burco ayaa waxa gacanta ku haya Shirkaddo gaar loo leeyahay, sababtoo ay tahay ma jirto koranto dawladdu leedahay oo ka shaqaysaa.




Qiimo dhimista lagu sameeyay Addeegan laydhka Burco waxa  xalay ku dhawaaqay Madaxda iyo boodhka sirkada HECO oo shir jaraa'id oo ku qabtay Magaalada Burco.




waxaanay dadwaynaha reer Burco ugu Bushaareeyeen in Boqolkiiba shan iyo labaatan ay ka dhimeen qiimaha halka Unite, taasoo noqonaysa afar meeloodoow meel sicirkii marka hore dadka laga qaadi jiray.




Waxa kale oo Madaxda Shurkadda HECO sheegeen inay doonayaan in ay wax ka bedelaan waxayaabaha tamarta laga dhaliyo sida hawada iyo Cadceeda.




Maareeyaha Shirkada Laydhka ee HECO  Khadar Jibriil Aadan oo ugu horayn ka hadlaya shirkaas Jaraa'id ayaa  yidhi''Caawa oo ay Bisha rabadaan Bilaw tahay Farxadeeda awgeed waxaanu ugu bushaaraynayanaa dadwayanaha macaamiishayada ah qiima dhimis  balaadhan aanu u samayanay kaas oo ah mid waligiiba soconaya,qiimadhimistaasina waxay ka mid ahayd balan qaadkayagii markii ay shirkaduhu midoobeen.macmiisha ugu badan waxaanu samayanay qiima dhimis Boqolkiiba shan iyo labaatan oo halkii unit ee ahaa $1.25 waxaanu ka dhignay $1”




“halka macmiisha dexdhexaadka ahna aanu u samayanay Boqolkiiba shan iyo toban,anagoo uga faa'iidaynayna macaamiishayada”ayuu yidhi.




Waxaanu intaas ku daray “Arimahaasina waxay qayb ka tahay faa''dada midawgii shirkadaha” “ waxaanu kale oo u balan qaadaynaa inaan qiima dhimistani noqonayn tii ugu danbaysay ee aanu ku daba jiro sidii aanu samayn lahayn tamar cusub oo sida dabaysha iyo solarka qoraxda,waxaanan rajaynaynaa inay dadwynuhu aad ugu farxi doonaan qiima dhimistan aanu u samaynay.Shirkadu waxba ka badali mayso adeegii danta guud ee  ay bixin jirtay sida  masaajidaa,xarumaha nabadgelyada iyo shaaracyaduba”.ayuu maareeyuu hadalkiisii kaga baxay”.




Maareeye ku xigeenka shirkada laydhka ee HECO Cabdale Jaamac Cawaale ayaa isna sii  tahkiidiyay qiimo dhimista Shirkaddu samaysay '' waxaanu hore ugu balan qaadnay markii aanu shirkadaha isku darnay inaanu qiimo dhimis u samayn doono ,hadaanay noo suurta gashay”ayuu yidhi.




Cabdalld ayaa hadalkiisa raaciyay “waxaanu jecelahay inay shirkadu ka guurto dabkan shidaalka ku shaqeeya ee qaaliga,waxaanan jecelahay inay macaamiishu ka faa'iido qiima dhaimsta,macaamiishuna ay ku dhaqmaan shuruucda shirkada oo sida ay shirkadu u wanaajisay iyana sidaas oo kale ula dhaqmaan”.




Dadweynaha reer Burco ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabadan Shirkaddu qaaday, waxaanay sheegeen inay nolosha bulshada wax badan ka bedeli doonto. Maadaama ay korantadu ka midtahay daruuriyaadka Ganacsiga iyo Guryaha ee dhaqaalaha qoysaska saameeya.




Si kastaba ha ahaatee hanaanka noocan ah ee midowga Shirkaduhu hadii uu noqdo mid ku faafaa qaybaha kala duwan ee Ganacsiga oo uu wada gaadho Magaalooyinka dalka oo dhan, inuu faa’ido balaadhan dadka u saamaxayo.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Emailk: axmedmm9@hotmail.com