Wednesday, June 25, 2014

Garoonka Kubadda ee Xawaadle oo dib loo furay


Hargeysa(GNA)-Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa Galabta xadhiga ka jaray Garoonka Kubadda Cagta ee Xawaadle oo ku yaalla Degmada 26-ka June,kaddib markii dib u dhis  muddo soo socday oo kor loogu qaadayey Qaabka Guud ee Garoonka lagu sameeyay.




Munaasibadda Garoonka dib loogu furayey, ayaa lagu qabtay isla garoonka, waxana ka soo qaybgalay Xildhibaano ka tirsan Golaha degaanka oo uu Maayarku Hoggaaminayey, Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, Sheekh Aadan Siiro, Dhallinyaro iyo Guddi Xaafadda ka tirsan oo Garoonka Gacanta ku Haysa iyo Da’yar tiro badan oo U soo daawasho tagtay garoonka oo ciyaar furitaan ah lagu qabanayey.




Garoonka oo ay Maalgelisay Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa si weyn wax looga qabtay, iyadoo loo sameeyey Dayr Dheer oo lagu soo wareejiyey iyo  Kaabado loogu talo galay inay dadka ciyaaraha daawanayaa ku fadhiistaan.




Sidoo kale waxa garoonka lagu xidhay Laba Albaab oo waaweyn, kuwaas oo ay dadweynuhu garoonka ka soo geli doonaan kana bixi doonaan, iyadoo aanu garoonku markii hore wax dayr ah, isla-markaana ay Buubuurtu iska dhex mari jirtey, maadaama aanu jirin wax xayndaab ah oo lagaga baydhi jirey.




Ugu horrayn Nimcaan Cabdi Cali oo ka tirsan Dhallinyarada Xaafadda, isla-markaana dedaalkii dib loogu dhisay Garoonka ka soo shaqeeyay ayaa u mahadnaqay cidkasta oo gacan ka geysatay horumarka lagu sameeyey Garoonka oo Halbowle u ah xaafadda 26-Ka june oo ay ku dhaqan yihiin dhallinyaro badan oo baahi u qabay Goob ku haboon ciyaarta Kubadda Cagta.




Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa isaguna soo dhaweeyey sida wax looga qabtay garoonka oo baahi u qabay in dibu habayn lagu sameeyo, waxaana uu ku ballan qaaday inuu qayb libaax ka qaadan doono sidii loogu dhamaystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman oo Roog ugu horreeyo, waxana uu xusay inuu Xildhibaanada kale ee ay isku Golaha yihiin uu ka soo ururinn doono.




Yuusuf Axmed Cali oo ah Hoggaanka Shirkad Xaafadda ka guri doonta xashiishka oo magaceeda la yidhaahdo Almis, ayaa sheegay inuu Lacag dhan kun Dollar ugu deeqi doono Garoonak dib udhiskiisa dambe si loo helo Garoonka Macmalka ah oo la sheegay inuu Baahi weyn garoonku u qabo.




Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Cali Axmed Cali oo isaguna halkaas ka Hadlay, isla-markaana gacan ka geystay Dib-u-shiska Garoonka Xawaadle, ayaa isaguna Sheegay inuu diyaar ula yahay Garoonka qabyadiisa dambe, waxana uu ku dhawaaqay inay Madaxtooyadu bixin doonta Kharashaadka Ku Baxaya Tartanka Kooba ugu horreeya ee Garoonka Lagu qaban doono.




Maayar-ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo isaguna Halkaas Ka Hadlay, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay horumarka ay Dawladda Hoose ee Hargeysa ka muujisay Garoonka Xawaadle, isagoo Ballan ku qaaday inaanay ka hadhi doonin wixii Baahi ee Qabyo ah.




Shekh Aadan Xaaji Maxamuud (aadan-Siiro) oo ka mid ah Bulshada deggen xaafadda Xawaadle, ayaa  dawladda Hoose ku amaanay sida  ay uga qayb-qaateen dib u dhiska Garoonka, waxannu ku dhawaaqay in isaga iyo wasiirka Waxbarashaduba ay qaddar lacag ah ugu deeqeen wixii qabyo ah ee jira.




“anigu odayaashii xaafadaan ka mid ahay, waxana aanu aad ugu mahad naqaynaa dadkii qiimaha lahaa ee Dibudhiskan ka shaqeeyey, dhallinyaradeenuna waxay u baahan yihiin Goobo ay ku ciyaaraan, annagu horena waa ugu jirney imikana ka Hadhi mayno, Samsam hoos bay wax iigu sheegtay oo Laba kun oo dollar Bay ugu deeqday, aniguna intaas in le’eg baan ugu deeqayaa.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.




Waxa gabagabadii Munaasibadda ka hadlay, isla-markaana Xadhiga ka jaray Garoonka Xawaadle Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Soltelo, waxaana uu Khudbad kooban oo uu halkaas ka jeediyey ku Faahfaahiyey Tallaabooyinkii uu soo maray Dib-u-dhiska Garoonku.




“Markii hore waxanu ku talogalnay inay Dawladda Hoose Qalabka Bixiso, gacantana ay Bixiyaan Ganacsaatadu, laakiin markii aanu ganacsatadii waxba ka weynay, dhallinyarta iyo annaga ayuun baa isku tashanay, lacagtaku Baxdayna waa ilaa $38000(Siddeed iyo Soddon kun oo Dollar)marka laga tago wixii ku baxay gawaadhida shaqaynsay, dhallinyaraduna waxay keeneen $8000-dollar, inta kalena Dawladda Hoose ayaa ku deeqday Hawshanina waa mid Bilow ah, Markuu kani dhamaadana waxanu Bilaabaynaa Kii Gacan-libaax, Dadka Garoomada ciyaalku ku ciyaarayaan sheeganayana waxanu u sheegaynaa inaanaan Cidna Dhul Beddel u samaynaynin.” Ayuu yidhi Maayar Soltelco.




Maayarka ayaa halkaas kaga dhawaaqay inuu Shakhiyan garoonka qaybada ka dhiman dhamaystirkeeda ugu deeqi doono Laba Kun oo Dollar, waxana Halkaas lagu Guddoonsiiyey Shahaado Sharaf lagu siiyey sida Hufan ee uu ugu hagar Baxay Dib-u-dhiska Garoonka Xawaadle.




Kaalid Xamdi Maxamed




Gobanimonews




Hargeysa Office