Friday, June 27, 2014

Xidigii Uruguay oo sagaal Ciyaarood laga madnuucay


lusosXiriirka Kubada Cagta ee FIFA ayaa sagaal ciyaarood ka mabnuucay cayaaryahanka Uruguay luis Suares.




Waxaa lagu helay dambi ah inuu qaniinay cayaaryahanka Talyaaniga ee Giorgia Chiellini kulankii ugu dambeeyay.




Guddi madaxbanaan oo FIFA ka tirsan ayaa sidoo kale ciyaaryahanka ka mamnuucay ciyaaraha mudo afar bilood ah.




Suares ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay inuu qaniinay cayaartooy xilli ay socotay ciyaar.




Xulka Uruguay ee uu u ciyaaro Suares ayaa u soo baxay wareegga labaad ee ciyaaraha koobka adduunka.




Ciyaartii dhexmartay Uruguay iyo Talyaaniga ayay Uruguay 1-0 uga guulaysatay Talyaaniga.




Uruguay ayaa wareegga labaad la ciyaari doonto xulka Colombia.




Suares kama qeybqaadan doono ciyaartaas.




Luis Suarez ayaa hore dhaawac ugaga maqnaa xulkiisa.




kulankiisii koowaad ee ciyaaraha ayuu  laba gool ka dhaliyey Kooxda Egland.




Ciyaarta dhex martay ayaa ku dhamaatay laba gool iyo waxba.