Monday, June 30, 2014

Dabarrada Sharci iyo Qabyada Garsoorka ee Xagal-daaciyey Nidaamka Caddaaladda Somaliland


ibraahin khadarGaryaqaan Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com)




Qaybta 2aad




Waaxo Garsoor oo Sharciyan ah oo aan la Samayn




Xeerka Nidaamka Garsoorka qodobka 10aad oo ka hadla awoodda Maxkamadda Sare waxa uu jideeya in Maxkamadda Sare geli karto murrannada go’aammada dhammaadka ah ee idaariga ah (maamul), dacwadaha doorashooyinka, rafcaannada derejeada 1aad soo dhammaysta, dooda amma murrannada ka dhasha qodabo dastuuri.




Haddaba, Maxkamadda Sare waxay u baahnayd in ay yeelato Waax Dastuuri ah (Constitutional Tribunal Section), Waax ka garnaqda dacwadaha maamulada (Administrational Tribunal), Waax doorashada ka garnaqda, waxaahaas oo dhammaantood leh garsoorayaasheeda si culayska dacwadaha ee maxkamadaha sare imaanaya u fududadaan, balse hadda waxa ka go’aan gaadha garsoorayaal mucayin ah oo an ka badnayn 7, isla markaana dacwad kasta gala, waxaana meesha ka baxaysa waxahaas oo garsoorka awooddiisa badin lahaa, keeni lahaana in qiimaha iyo quruxda garsoorku fiicnaado.




Maxkamadda Sare, isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga ah waxay u baahan tahay in waaxahaas loo sameeyo, maadaama shacabku baahi u qabo in garsoorku noqdo waax si firfircoon u shaqaynaysa.




Baahida Garsoorayaasha




Garsooraha amma Qadi (Judge) waa shakhsi aqoon u leh sharci amma shareecada, kaasoo dadka kala saaraya, isla markaana caddaali ah, loona doortay jagada inuu ka garnaqo dacwadaha dadku isku haystaan, balse Garsooraha waxa uu leeyahay shuruudo lagu kala doorto, gaar ahaan Islamku wuxuu u jideeyey shuruudo, halka shuruudaha sharciga dad sameega ah (Statutory law) shardiyo u dhigay;




Halkan kaga hadli mayno shuruudaha qaadiga, balse waxaynu ku soo bandhigayna baahida garsooruhu amma inuu garsooruhu noqdo mid baahan dhibta ay u keeni karto caddaaladda sugideeda iyo in dadku kala helaan xaqa, lana ciqaabo qofka dambiila ah oo la marsiiyo mudankiisa.




Islamku wuxuu jideeya in booska garsooraha aan loo dhiibin qof codsada amma qof inuu ka shaqaysto doonaya, sababtoo ah waxa laga cabsi qaba haddii uu qofku shaqo ahaan u galo inuu noqdo qof dadka ka shaqaysanaya, lacag darteedna uu u qaloociyo baahida.




Waxaana shardi looga dhiga in haddii qof kaaga habboon jiro shaqada garsooraha oo aad dalbata in ay tahay karaahiyo dhinaca islaamka, sababtoo ah garsooraha waxa gacantiisa ku jira inuu qof xaq leh siiyo xaquu lahaa, waxaannu Abu Hurayrah ka wariyey Nebiga (NNKHA) “Qofkii loo magacaabo garsoore waxa la dilay mindi la’aan,” macnaheeduna waxa weeyaan in qofkaas masuuliyad aad u culus gacanta laga saaray, kaasoo keeni karta janno iyo caddaab.




Xeerka dad sameega ah (Statutory law) wuxuu ku xidha in garsooruhu noqdo qof aqoon u leh sharciga, waxa kale oo uu xeerka Nidaamka Garsoorka Somaliland sheega darajada iyo meelaynta garsooraha oo ku xidhan mushaharka, gaar ahaan qodobka 23aad ee Xeerka Nidaamka Garssoorka waxa uu tilmaama darajo iyo meelaynta Garsoorayaasha, waxaana ugu sarreeya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Darajada A1 ah, Xeer-ilaaliyaha Guud, Garsoorayaasha Sare iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadda Rafcaanka oo A2 ah, Garsoorayaasha Maxkamadda Rafcaanka iyio Guddoomiyayaasha Maxkamadda Gobolka iyo Ku-xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud oo A3 ah, Garsoorayasha Maxkamadda Gobollada, Guddoomiyahayaasha Maxkamadaha Degmooyinka oo A4 ah, Garsoorayaasha Maxkamadda Degmooyinka oo A5 ah. Sidaa daraadeed darajooyinkan waxay ku tilmaaman oo ku hoos lifaaqan mushaharka garsooraha, taasoo ah in Somaliland aanu qofka garsoora ah qaadan wax baahidiisa dabooli kara, kana celin kara inuu laaluush qaato.




Garsoorayaasha waddamada caalamka badankooda waxa la daboola baahidiisa aasaasiga ah sida in waxbarashada iyo caafimaadka qoyskiisa bilaash looga dhigo, lacag ku filan la siiyo, korna loo qaado xasaanadiisa iyo sharaftiisa sida Xeerka Nidaamka Garsoorkuba dhigaayo, taasina waxay daawo u tahay inuu garsooruhu laaluush qaato, musuqna soo dhex galo garsooraha iyo dadweynaha.




Garsoore aan baahidiisa la daboolin, kana fikiraaya qoyskiisa raashinkuu cuni lahaa, caanihii carruurta iyo waxbarashadii amma qoyskiisu isagoo baahan ka yimi aad bay u adag tahay inuu caddaalad dhammaystiran go’aamiyo.




Garsoorayaasha waxa ku waajib ah in ay maskaxda ku hayaan, iyadoo dhibtaas iyo baahidaasi haysato garsoorayaasha iyo shaqaale hoosaadka Waaxda garsoorka, haddana waa in ay maanka ku hayaan xadiiskii uu Cabdullaahi Ibn Amr Ibn Al Cas ka warieyey Rasuulka oo uu yidh Rasuulkii Ilaahay (NNKHA) wuxuu naxdalay qofka laaluushka bixiya iyo ka qaata.




In Badan oo shacabka ka mid ah oo Wasakhaysa (Laaluushta) Garsoorka




Qof kasta oo muwaadin ah waxa uu xaq u leeyahay inuu dacwoodu lana dacweeyo sida, iskana difaaco eedaha lagu soo oogo, isla markaana uu helo qareen sida Dastuurka Somaliland qodobkiisa 44aad farqadihiisa 1aad, 2aad iyo 3aad amma Qodobka 4aad ee Xeerka nidaamka Garsoorka, balse maaha taas macnaheedu inuu qofku is difaaciisa iyo inuu xaqiisa helo u maro sifooyin sharciga waafaqsan.




Waqtiyo aan booqday Maxkamadda oo ku beegnayd sannadkii 2013 aan ku jiray gebagebada waxbarashadaydii sharci, isla markaana aan qayb ka mid ah waxbarashadayda oo maxkamadaha dacwadaha lagu dhegaysan jiray ah, waxay indhahaygu qabteen mid ka mid ah Garsoorayaasha oo runtii aan u arkaayey inuu yahay nin daacad ah oo muwaadin sida ka muuqatay uu xaq uu lahaa u gooyey la daba cararaayo qadar lacag ah, balse uu diidan yahay, hadaladii ka soo yeedhaayey garsoorahaas waxa ka mid ahaa “Waar xaq aad leedahay baaban kuu gooyee, maxaad I leedahay, lacagtan adiga u baahane qaado oo aniga meel sharaftayda ha kaga dhicin,” balse ninka muwaadinka ah sidaas kumuu joogsan ee wuxuu u celiyey “Waa hadyad yar oo aan kugu talagalay Garsoore, qofka wax kuu qabtana waa laga farxiya,” intaa kadib ayuu garsoorihii cadhooday, una yeedhay askari, markaasuu yidhi; “Waar miyaan ku xidhaa, mise waad iga tegi.”




Haddaba, shacabka laftooda ayaan u bislaan inay sharciga ilaaliyaan, waxaanay la qabsadeen laaluushka bixintiisa oo ay ku soo kharibmeen dawladihii kala duwana ee ay cabsida lacagta ku siin jireen, balse laf ahaantoodu waa inay ka baqaan Nacdasha rasuulka ee uu lahaa “Waxa nacdalan qofka laaluushak bixiya iyo ka qaata.”




Waxa kale oo shacabka ka maqan wacyigelin sharci oo ay caddaaladooda ku helayaan (Awareness of Access to Justice), taasina waxay tustaa qofka muwaadinka ah inuu xaq u leeyahay inuu dacwoodo amma is difaaco, waxaana loo baahan yahay in ardayda sharciga loo diro goobaha baadiyayaasha ah iyo magaalooyinka dhexdooda sida mararka qaarba Jaamacadda Hargeysa iyo garsoorku iska kashadaan ee ay sameeyaan, balse aan la joogtay, taasina waxay shacabka ka caawin karta in ay joojiyaan laaluushka iyo musuqmaasuqa (Extortion, corruption and Bribe) oo ah dambi, qofku halkuu xaq ka doonaayeyna ciqaab ku mutaysan karo… la soco…