Thursday, June 26, 2014

Somaliland: Xaasaasiyad Maxali ah oo ka dhalatay Maxaabiis lagu wareejiyay Djibouti


Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Bulshada Rayidka ah oo meel iska wada taagay inay tafaasiil ka helaan mawaadiniinta xukuumaddu  ku wareejisay Sirdoonka Djibouti..




mustafe qodax1Hargeysa(GNA)-Wali Xukuumadda Somaliland Tafaasiil cad kamay bixin warka ku saabsan tiro Maxaabiis ah oo Dawladda Djibouti dhawr maalmood ka hor si qarsoodi ah loogu wareejiyay, hase ahaatee waxay hore ayaa saraakiisha laamaha ammaanka qaarkood Gobanimo u caddeeyeen inay labada wadan si wada jir ah baadhis ugu samaynayaan Qaraxyo 24-kii Bishii May ka dhacay Magaalada Djibouti.




Tan iyo markii uu soo baxay Warkani, dadweynaha gudaha dalka waxa ka muuqda dareemo ka turjumaya inaanay ka raali ahayn sababta keentay talaabada noocan ah, wallow dadka badankiisa mugdi kaga jiro sida ay xaqiiqdu tahay.




Maxaabiista Djibouti lagu wareejiyay,oo tiraddooda lagu sheegay saddex Nin oo wakhti isku dhow Magaalada Hargeysa lagu qabtay, waxa ka mid ah Nin shaqaale ka ahaa Xawaaladda Jubba Express, isla markaana Khasnajigii guud ee qaybta Hargeysa lagu sheegay, sida uu Gobanimo u xaqiijiyay Maamulaha Xawaaladda laanteeda hargeysa.




“Cabdilaahi Sh. Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa Shaqaalaha Shirkadda, wuxuu noo hayay qasnada xafiiska. Annagu kumaanu ogayn wax xidhiidh ah oo argagixiso ka dhexeeya, qof shaqaale ahbuu ahaa”Muuse Daahir.




Saddexda Nin ee Djibouti lagu wareejiyay ayaan loo sheegin eheladdooda in la geynayo meel kale, waxaana laga qaaday Saldhiga Dhexe ee Hargeysa oo ay ku jiraan laba usbuuc wax ka yar.




“Subaxdii laga qaaday jeelka ayaa dadkoodu ay cuntadii ay u keeneen saldhiga la keenay”sidaas waxa Gobanimonews xaqiijiyay Mawaadin Kiis Medeni ah u xidhnaa oo shalay la soo daayay.




Dhinaca kale, bulshada rayidka ah ayaa arrintan si aad ah u hadal haysa, isla markaana dadka badankiisu waxay u arkaan arrin dhaawac ku keenaysa dawladnimada Somaliland “anigu wareejinta Mawaadiniintan waxaan u arkaa khalad sababtoo ay tahay dadkani waa kuwo dalka u dhashay”ayuu yidhi Aqoonyahan ka cudur daartay inaan Magaciisa shaacino sababo u gaar ah awgeed.




Xisbiyada Mucaaridka




Xisbiyadda Mucaaridka ah ee Somaliland ayaa hada ku biiray doodda ku saabsan isweydiinta ka soo noqotay Maxaabiista Somaliland wareejisay, ee lagu eeddeynayo inay ku lug lahaayeen qaraxyadii ka dhacay waddanka Djibouti.




Xisbiga Waddani ayaa si taxadir leh xukuumadda Siilaanyo uga dalbaday in dadkan la wareejiyay dhalashadooda, sababtoo loogu qaaday dal kale iyo sida lagula kala wareejiyay




 “wey fiicanatahay in la ilaaliyo amniga gudaha iyo ka dalalka inala jaarka ah oo aynu fure u nahay mandaqada somaliland inbadan ayey ku faanaysay  in ay nabad tahay isla markaan ay fure u tahay dalalka la jaarka ah amaankooda waanaynu ku dadaali doonaa ka gaar ahaan ka xisbi ahaana wey naga  go’antahay in aanu arinkaa  xoojino wax kasta oo aminga qaranka wax yeelayana waanu kala shaqay naynaa xukuumada .” sidaasi waxa Warbaahinta  u sheegay Mustafe  Qodax oo ah Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Waddani.




Mustafe ayaa intaasi ku daray  “Waxa aanu codsanaynaa waxa weeyey in arintaasi ma faah faahsana sida loo dhigay amase wararka soo baxayaa ay sheegayaan waxa aanu xukuumada ka dalbanaynaa qarankan amnigiisu wuu ina wada khuseeyaa  lakiin idinkaa maata taladii dalka gacanta ku haya in war intaas ka faah faahsan oo ku saabsan xubnahaas ay sheegto.




Runtii arintaasi waxa ay tahay mid xaasaasiya in loo soo gudbiyo  oo bulshada  loo sheego dadka arintaasi sida ay tahay sababta loogu gudbiyey jabuuti inagoo qaran ah i  iyo dadkaasi waxa ay yihiin ma muwaadiniinbaa  ma dad meelo kale inagaga soo galaybaa .waxanay runtii wax  tari hadii la sheego aminga gudaheen”ayuu yidhi.




Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee ay dawladda Somaliland gacanta u geliso dad eeddeysaneyaal ah sida la sheegay dawladda Ismaaciil Cumar Geelle  ee dalka Djibouti, taasi waxay caddeynaysaa inay xaajo ugub ah tahay oo saameynteeda yeelanaysa.




Hase ahaatee waxa xukuumadda laga sugayaa inay tafaasiil cad ka bixiso wareejinta dadkan iyo waxa lagaga heshiis yahay, taasoo ah waxay iminka dadweynaha Somaliland ee gudaha dalku isweydiinayaan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com