Wednesday, June 25, 2014

BURCO Xil: Cabdi Axmed Dhimbiil Oo Cadeeyay Inuu Dhamaaday Khilaafkii Golaha Deeganka Burco.


100_0158Xildhibaan Cabdi Axmed  Dhimbiil oo kamida xildhibaanada Golaha Deegaanka Ee Degmada Burco Ayaa Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Khilaaf La Sheegay inuu ka Dhex jiro Golaha Deegaanka ee Degmada Burco  Waqti Xaadirkani




Waxaana Xildhibaan Cabdi Axmed Dhimbiil  oo Warbixin Kooban soo Gaadhsiiyay Shabakada Caalamiga ah ee Somalilandtoday  uu ku  Cadeeyay Inaysan jirin Mooshin  Xil Ka Qaadisa oo ay  Xubnaha Golaha Deegaanka ee uu ka Tirsan Yahay Ay  Ku Soo Wadaan Maayirka iyo Maayir kuxigeenkiisa




 Isla Markaana Waxa uu Xildhibaanku  Qoraalkiisan Ku Cadeeyay Inay Wada Shaqeyn Buuxda Ay Ka Dhexayso Dhamaan Xubnaha Golaha Deegaanka ee Burco .




Waxaanay  Warbixintu U dhignayd Sidatan




 




“Bismilahi Raxmaani Raxiim




Anigoo Ah Xildhibaan Axmed Cabdi Dhimbiil waxaan halkan ku cadaynayaa in Golaha Deegaanka ee Degmada Burco ay yihiin Xildhibaano Heshiiyay una Heshiiyay u adeegida Bulshadooda  iyo Siday Uhorumarinlahaayeen Degmada Waxqabadka ay u Wadaana ay u laban laabi lahaayeen




Waxaan kaloo halkan uga cadynayaa Dadka Reer Burco , Dawlada iyo Bulsha Weynta Reer Somaliland in Golaha Deegaanka Burco ee aan ka Tirsanahay aany  jirin Wax khilaafa oo ka dhexjira waqti xaadirkan




Waxaan Maqlaynay Maalmihii u Danbeeyay in Golaha Deegaanka ee Burco Ay Soo Wadaan Mooshin ay Xilka kaga Qaadayaan Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisa , Warkaasina waa Mid Been Abuur ah, Mana Jiraan Wax Mooshina Oo Ay  Xildhibaanadayadu Soo Wadaaan, Maayirka iyo Kuxigeenkiisa Cid Ridaysaana Ma Jirto.




Waqti dhaweyd  Koley Wey jirtay in Qaar Kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanku  Wax kala yara Tabanaayay laakiin  Xildhibaanadu Majoorati Ahaan Tabashadaasi Waa la Dhamaayey  Golahuna badi Waa Isku Duuban Yahay




Golaha Deegaanka Degmada Burco iyo Dhamaan  Dawlada Hoose ee Burco  Madax iyo Mijaba Iyagoo Isku Duuban Waxay Diyaar u Yihiin u Adeegida Bulshadooda iyo Waxqabadkii ay u hayeen inay usii laban laabaan ,




Bulshaweynta Reer Burcana Waxaan Leeyahay Sidaa Ha Ugaadaan In Wixii aad Noo Doorateen oo Ahaa Waxqabad Muuqda iyo Horumar Inaanu Shaqadeedii Hayno Diyaarna Unahay , Insha Allah Mustaqbalka Dhawna  Horumar Kan Kasii Badan Ay Ku talaabsan Doonto Degmada Burco ,”