Saturday, June 28, 2014

Caalamka Islaamka oo la xaqiijiyay inaanay Berri Ramadaan ahayn


khaliiHargeysa(GNA)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheikh Khaliil Cabdilaahi ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan Caawa Bisha Ramadaan laga arag Caalamka oo dhan.




Dunida Islaamka ayaa galabta ilaa caawa si weyn isha loogu hayay curashada bisha Barakaysan ee Ramadaan.




Culimada Diinta iyo Dawladdaha Caalamka Islaamka ayaa ka wada shaqaynayay sidii ay u shaacin lahaayeen  xaqiijinta araga Bishan Barakaysan.




Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa sheegtay inay Culimada Diinta la kaashatay xaqiijinta soomka.




Wasiirka iyo xubno ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland ayaa tan iyo salaadii Maqrib ku sugnaa Masaajidka weyn ee Cali Mataan ee badhtamaha Magaalada Hargeysa.




Sheikh Khaliil Cabdilaahi ayaa abaaro 8:30, Masaajidkaasi kaga dhawaaqay inaanay Berri oo sabti ah Ramadaan ahayn.




"sidaad wada dareensantihiin Caawa waxaynu wada sugaynaa oo Caalamka islaamka oo dhan laga wada sugayay in Caawa Bishii Ramadaan la arko iyo in kale, markaa walaaleyaal meel kasta waanu la hadalnay Gobollada Somaliland.




sidoo kale waxaanu la soconay caalamka Islaamka oo dhan, waxaana caawa cadaatay inaanay caawa Ramadaan ahayn, sidaa awgeed maalinta Berri oo ay bisha Shabcaan tahay 29 maalin sabti ahna ay tahay, waxaan umadda Somaliland u caddeynynaa inaan la soomi doonin ee aynu sodonka Bisha Shabcaan dhamaysan doono"ayuu yidhi Sheikh Khaliil Cabdilaahi oo la hadlay Warbaahinta Dawladda.




Dhinaca kale, Dawladda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in Sabtida berri aanay ahayn Soon, hasa-yeeshee dalkeeda laga Soomi doono Axadda Sahan Dambe oo ku beegan 29-ka bishan June, taasoo waafaqaysa 1 Bisha Ramadaan.




Bisha Shabcaan ayaa Maanta oo jimce ah ahayd 29, halka ay Berrina ka noqonayso 30.




Maxkamadda sare Sucuudiga ayaa xaqiijisay in aan dhulka Sucuudiga laga arag bisha Soon.




Sidoo kale, dalal kale oo  Imaaraadku ka mid yahay ayaa laga xaqiijiyay inaan bilashada Bisha ramadaan la arag.




“Arag ku sooma aragna ku afrura”ayaa lagu waajib yeelay Muslimka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com