Saturday, June 28, 2014

Siilaanyo iyo Muuse Biix: Ramadaan Kariim”


Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa caawa bilatay oo laga soomayaa Adduunka oo dhan.




Madaxda Soomaalida, ayaa Dhambaalo hambalyo ah oo ay u dirayaan Shacbiga Soomaalida iyo dunida Islaamka soo gaadhsiiyay warqabadka Gobanimonews




Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa soo saaray laba qoraal oo Hambalyo ah.




Madaxweyne Siilaanyo




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkastoy Joogaan Dalka Guddihiisa & Dibediisaba, Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, waxaanu ugu Bushaaraynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa oo ay taariikhda Miilaadiga ahi tahay 28/06/2014, halka ay taariikhda Hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1435,




Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u Dirayaa Madaxweynuhu Shucuubta islaamka ee Caalamka ku nool guud ahaanba.




Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn  soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu janatu fardawsa ka waraabiyo.




Muuse Biixi




XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILAND (KULMIYE)




“Anigoo (Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE) ku hadlaya magacayga, ka hoggaanka xisbiga, golaha dhexe, guddiga fulinta iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaan shacbiga Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.




Waxaan Alle inooga baryayaa inuu inaga yeelo kuwii khayrkeeda ka faa’iidaysta ee uu ka aqbalo.




ALLA MAHAD LEH




Muuse Biixi Cabdi




Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE