Saturday, June 28, 2014

RWB oo ka walaacsan Xad-gudubyada Saxaafadda Somaliland lagu hayo


Haatuf groupHargeysa(GNA)-Ururka  Wariyayaasha aan Xuduuda lahayn (Reporters Without Borders) oo ah urur u dooda xuquuda saxaafada iyo saxafiyiinta aduunka ayaa soo saaray qoraal uu ku muujinayo sida uu uga soo horjeedo, ugana xunyahay  xadhiga Gudoomiyaha iyo tifatiraha waregyska Haatuf oo lagu riday xukun argagax galiyey shacbiga Somaliland iyo dadka daneeya arrimaha saxaafadda ee caalamka.




Tani waxay imanaysaa xili ay isa soo tarayaan cambaareynaha lagu diidanyahay xad-gudubyada ka dhan ah Saxaafadda Somaliland ee ka socda gudaha dalka afartii sannadood ee ugu dambeeyay.




 Ururka RWB ayaa xukunka lagu riday Haatuf sheegay in uu weydaarsan yahay sharciga dalka ee saxaafada.




“Masuuliyiintu waxay jabinayaan isla sharcigoodii marka ay saxafiyiinta la xidhay u adeegsadaan sharci aan ahayn kii saxaafada kaas oo aan ogolayn in la taxaabo saxafiyiinta, xadhigaasina waa mid jabiyey heerkii argagaxa"sidaa waxa tidhi Clea Kahn-Sriber oo ah madaxa ururkan RWB qaybtiisa Afrika.




Tani waa ugaadhsi la ugaadhsanayo saxafiyiin shaqadoodii war-tabineed uun qabasanayey. Xadhiga la xidhayna waa mid aan sharci ahayn si kasta oo loo eego, waxaanan ugu baaqaynaa maxkamadaha Hargeysa in ay buriyaan xukunada noocaas ah" ayey ku dartay Clea Kahn-Sriber.       




Ilaa iyo muda 4 sano ee xukumada Siilaanyo  jirtay waxa Xabsiga loo taxaabay saxafiyiintii ugu badnaa, taas oo kor udhaaftay 50 saxafi, halka Taariikhda Somaliland xukumadu noqotay tii ugu horeysay ee Albaabada u laabta Xarun Saxaafadeed iyadoo loo adeegsaday sifko sharci daro.




 Ururka ilaalinta xuquuqada saxafiyiinta ee RWB ayaa la filayaa in uu ka dacwoodo xukuumada Siilaanyo cadaadisna lagu saaro in loo soo celiyo xoriyadoodi saxafiyiinta Haatuf iyo xarumaha Hubaal ee la ay xukumadu xidhay.




Arintan xadhiga saxafiyiinta ee noocan ah, ayaa saameynaya  sumcada Somaliland oo ah dal wali aduunka iska iibinaya, waxayna meesha ka saartay in Somailiand leedahay ama la ixtiraami madaxbanaanida saxaafada.




 Sidoo kale boga internet ka ee ururkan ee RWB ayaa lagu xardhaa  madaxweynahaasha aduunka ee dalkiisa la xidhxidho wariyeyaal,taas oo haddii ay sidaa ku sii socoto khasbaysa in lagu daro madaxweynaha Somaliland.