Friday, June 27, 2014

Somaaliya oo saxiixday Heshiis lagu dhisayo Ciidan Isku dhaf ah oo ka hawl-gelaya Bariga Afrika


EASF ma kafayn kartaa Dhaqaalaha ku baxaya Ciidanka?




 




Reysal26-06-2014-Malabo (GNA)-Dalka Soomaaliyaa saxiixay Heshiis lagu dhisayo Ciidan isku dhaf ah oo ay doonayaan inay sameystaan Dalalka Bariga Arika.




Madaxda dalalka Bariga Africa ayaa magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea maanta ku gaaray heshiiska dhigaya in si rasmi ah loo howlgaliyo ciidamada heeganka ee ay yeelanayaan wadamada ku bohoobay Bariga Afrika ee lagusoo gaabiyo (EASF).




Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka qayb-galay Shir madaxeedka Afrika ayaa dhinaca dalkiisa u saxiixay Heshiiskan oo marka si guud loo eego hadii la fuliyo wax badan ka taraya ammaanka Gobolka.




Ujeedada laga leeyahay ciidamadan ayaa lagu sheegay in la doonayo inay u gurmadaan dalalka kale ee afrika.




Reysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheikh oo ka hadlay macnaha heshiiskan iyo faa’ida uu leeyahay, ayaa soo dhaweeyay go’aanka lagu saxiixay heshiiskan milateri.




 “Waan soo dhoweynaynaa in Soomaaliya ay qayb ka tahay heshiiska isla markaana ay ka qayb qaadato howlgalka ciidamadan gaarka ah ee dalalka Bariga Africa, Soomaaliya waxaa ay kasoo kabanaysaa bur-burkii gaaray. Waxaana heshiisyada noocan ah ay calaamad u yihiin in ay soo noqonayso karaamadii Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed




Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sh. Xasan Xaamud oo kulankan goob-joog ka ahaa ayaa isna dhankiisa sheegay “Ciidamadan ayaa howshoodu ay tahay wax ka qabshada xaaladaha amni xummo ee kasoo cusboonada qaaradda xilli ay Golaha Nabadda iyo Amniga ee midowga Africa ay u dabaal dagayaan sanad guuradii 10-aad ee kazoo wareegtay markii golahaasi la aas aasay.” Ayuu yiri.




Madaxweynaha Uganda Yuwori Mesevani  oo shirka ka hadlay ayaa sheegay inay waddamda Bariga Afrika dhaqaale adag ku bixiyaan xalinta Mushkiladaha ka taagan gobolka.




Waxaanu ka bixin doonaa Cashuurta Qaadhaanka lagu dhisayo ciidanka. Lacagta aanu ku bixino amni darada ayaa laba jeer ka badnaan doonta, ta aanu annagoo nabad-gelyo haysana qaadhaanka ku bixino”




Marka aad isu geyso lacagta Ganacsi ee ku lunta degenaanshiyo la’aanta ka jirta Kongo waxaad helaysaa inay badantahay, markaa maaha in su’aal layska waydiiyo balanqaadkan ee waa inaad fahanto qiimaha u dhexeeya in la helo ciidankaas iyo in la waayo” ayuu yiri Madaxweyne Museveni oo shirkaa ka hadlay.




Madaxda Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay, taagerayna abuuritaanka ciidankaasi oo noqon doona kuwo qalabaysan oo ay yeeshaan dalalka Bariga Afrika si ay faragalin ugu sameeyaan goobaha ay colaadaha kasoo ifbaxaan.




 Heshiiskan ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen wasiiradda gaashaandhiga ee dalalka Bariga Afrika ka hor inta aanay madaxdu saxiixin heshiiskan.




Heshiis Duruufo horyaallaan




Waa markii ugu horeysay ee Urur Goboleedka Bariga Afrika yeesho iskaashi noocan ah oo saameynaya Gobolka.




Dalalka Bariga Afrika ayaa ah kuwa ugu dhaqaalaha hooseeya qaarada,kuna tiirsan Kaalmada ay siiyaan waddamada reer Galbeedka iyo kuwa dhaqaalahoodu koray.




 waxaaana  arrinta lays weydiinayo ay tahay sida ay dhaqaale ahaan ugu saamaxayso inay dhistaan Ciidankan oo u baahan qalab iyo dhaqaale badan.




Sidoo kale waxa daruuri ah in damaanad buuxda laga bixiyo siday u qaybsanayaan dalalka Gobolka Collaadaha badan ku yaallaa iyo siday dhexdhexaad ugu noqonayaan hawl-galadu.




Shirka 23aad ee AU-da oo furmay




Dhinaca kale Shirka 23aad ee Midowga Afrika ayaaa maanta ka furmay magaaladda Malabo ee dalka Equatorial Guinea.




Shirkan ayaa sanadka diiradda lagu saaray horumarinta beeraha iyo amniga cunnada iyadoo looga dan leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka loogu jiro kor-u-qaadidda wax soo saarka beeraha.




Madaxdu waxaa ay ka hadleen samaynta istaraatiijiyad looga hortagayo faqriga, ka hortagga cunna xumida iyadoo loo marayo isbadallo cusub oo lagu sameeyo wax soo saarka beeraha, abuuritaanka iyo xoojinta xiriirka ururada beeralayda ah.




Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay dhiirigalinta iyo suuq-gaynta wax soo saarka beeraha, kobcinta aqoonta iyo xirfadda ay u baahan yihiin beeralayda iyo abuuritaanka fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada.




Shirka AU ee ka socda magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa si weyn loogu ammaanay horumaradda ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyadda nabadaynta beelaha Soomaaliyeed, dhismaha dawladnimo Soomaaliyeed, dhismaha nidaamka federaalka iyo hannaan loo wada dhan yahay in looga qaybgalo siyaasadda, sidaas waxa lagu sheegay war ka soo baxay weftiga Dawladda Soomaaliya uga qayb-gelaya Shirka.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com