Sunday, June 29, 2014

Sheeko Xigmadaysan: Ma ila socotaa? Q3aad


???????????????????????????????Akhristeyaal waa qayb kale oo ka mid ah Sheekada Ciwaankeedu ahaa MA ILA SOCOTAA.




Waxaana sheekadda Maanta aynu bilaabaynaa sidan:




Beribaa Saddex  nin ku busaaradsadeen Magaalladii ay ku noolaayeen.




Dabadeed maalin maalmaha ka ka mid ah ayay go’aansadeen inay iskaga baxaan magaalada Busaaradu ku bariinsatay, oo ay tagaan meel u dhaqaale iyo dheef dhaanta.




Sidii ayay saddexdoodiba subax kaga socdaaleen Benderkii ay degenaayeen, kaddibna markii muddo laba maalmood ah lugaynayeen, aya maalintii dambe waxay ku soo baxeen Buur yar oo Dahab ah oo meel cidlo ah ku taala.




Halkiibay dabadeedna Buurtii dul fadhiisteen, si ay dahabka ku jira uga gurtaan.




Markii ay  maalin iyo habeen dul joogeen Buurtii ayay gaajoodeen.




Dabadeed mid  ka mid ah ayay u dhiibeen inyar oo dahab ah oo ay ku yidhaahdeen orod oo Magaallo heblaayo tag oo wax aynu cunno inooga soo iibi,isna wuu ka aqbalay.




Labadii Nin ee ku hadhay Buurtu markii uu tegay saaxiibkood ayay ku tashadeen inaan Buurtan yar ee Dahabka ahi in saddex qof qaybsadaan aanay ku fiicnayn ee ee ay labadooda qudha ku wanaagsantahay.




Sidaas awgeed ninka ka maqan ee sahayda u doonay markuu soo noqdo ay khaarajiyaan si ay labadoodu  u qaybsadaan Dahabka.




Ninka maqnaa ee loo tashadayna markuu Magaaladii tegay ee uu cuntadii u soo iibiyay ayuu dhexda ku soo tashaday oo uu go’aansaday inuu labada Nin ee saaxiibadiisa sun ugu daro cuntada, markay ku dhintaana uu Keligii u soo hadho Dahabka.




Labadii Nin sidii ay ku tashadeen ayay yeeleen oo markii uu u keenay ninkii Sahaydii u keenay ayay Dileen.




Iyaguna markii ay cunneen cuntadii uu u keenay ee sumaysnayd ayay bartii ku dhinteen.




Dabaddeed saddexdoodiiba halkiibay ku waayeen Buurtii dahabka ahayd ee ay heleen.




Ma ila socotaa




Qorre: Boqor Faysal Cismaan Faarax




Hargeysa/ Somaliland




Email: kindfaysal111@hotmail.com




Tel: 0634426644