Waa sidee Xaalada Deegaankii shalay lagu dagaalamay, maxaase khasaare soo kala gaadhay labada dhinac dagaalkii saax-dheer...
Saax-dheer(GNA)-Hogaamiyaha Wakhtigiisu dhamaaday ee Maamulka la baxay Khaatumo, ayaa ka hadlay Dagaal shalay ku dhex maray maleeshiyaadkiisa Ciidamada Somaliland ee Gobolka Sool, kaasoo dhimasho iyo dhaawac sababay.
Maxamed Yuusuf Indho-sheel oo khadka taleefoonka ugu waramay Taleefishanka Somsat la yidhaahdo ee xaruntiisu tahay dalka Ingiriiska, ayaa sheegay inuu ku suganyahay Deegaankii shalay lagu Dagaalamay ee Saax-dheer.
Indho-sheel ayaa faahfaahin dhiniciisa ka bixiyey Khasaaraha soo kala gaadhay Maleeshiiyaadkiisa iyo Ciidanka Somaliland.
waxa uu sheegay inay Ciidanka Somaliland duulaan gardaro ah ku soo qaadeeb Deegaamada Taleex iyo Saax-dheer, waxaanu intaasi ku daray inay khasaare soo gaadhsiiyeen Ciidanka halkaa ku weeraray.
Halkan ka Daawo Waraysi lala yeeshay:
Warar dheeraad ah
sida lagu soo waramayo deegaamadii shalay lagu dagaalamay ayaa degen, isla markaana aan wax dagal ah oo kale ka dhicin maanta.
Iska hor-imaadkii shalay ka dhacay Saax-dheer ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa tobaneeyo ruux oo labada dhinac ah, tiro kale oo intaas ka badana waxa ka soo gaadhay dhaawacyo, kuwaasoo ay dad rayid ahi ku jiraan.
Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in laga dilay saddex askari oo ka tirsanaa Maleeshiyaad deegaanka u dhalatay oo hore loogu qarameeyey halkaasi.
Dhinaca Maleeshiyaadka khaatumo ayaa laga dilay ilaa todoba sida ay wararku sheegayaan.
dhaawacyo ayaa jira labada dhinacba, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil labada dhinac ah oo ka gaabsaday inay faahfaahin dheeraad ah bixiyaan.
Gaadiidka Dagaalka, ayaa la sheegay in ilaa saddex gaadhi laga qabsaday dhinaca Khaatumo, hase ahaatee somaliland ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya in gawaadhi dagaal laga qabsaday.
labada dhinac ayaa midba midka kale eeddeynayaa, waxaanay somaliland sheegtay inay ka hortagayaan Shir lagaga soo horjeedo dawladnimadeeda oo ka socday Taleex.
Dhinaca kale, Degmada Taleex oo ay maalin saddexaad ciidamada somaliland la wareegeen ayaa waxa maanta ka dhacay Mudaharaad laga soo horjeedo somaliland.
Mudaharaadkaasi ayaa waxa isugu soo baxay Dad sita calanka Soomaaliya iyo astaamo kale, kuwaasoo ku dhawaaqayay ereyo ay ku diidanyihiin waxay ku tilmaameen duulaanka Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee inkasta oo xaaladu hadana degentahay, hadana wali waxa taagan cabsi ah in iska hor-imaadyo kale dhacaan.