Thursday, June 26, 2014

Musuq-maasuq hadheeyay waaxda garsoorka..Q.9aad


Ragg cadaalad waayay sidii cawsha kala yaac…aadamigu waxa uu ku wada noolaadaa waa cadaalad,hadii cadaalad la waayana waxa ka dhasha rabshado iyo kala guur.




Qormadii hore waxaynu tusaale u soo qaadanay ardaydii xaq-darada xukunka loogu riday.Halkaa waxa ku lumay waxbarasha-doodii,waxa isu kaashaday booliska,xeer ilaalinta iyo garsoorka gaar ahaan silsilada isku xidhan ee laaluushka halam-sada ayaa ka masuul ah aayaha madaw ee lagu riday ardayda.Waa arrimaha ardayda ku kelifa inay dalka ka tahriibaan.




Hadaan tusaale kale ka soo qaato musuqa gaamuray ee silsilada isku xidhay ka dhex wado garsoorka.Waxa jira garsoorayaal la shaqaysta gudoomiyaha gobolka,Gud.maxkamada Sare iyo Gud.rafcaanka.Dacwadaha qaar-kood ayaa ganaax la socdaa xukunka,sharciyan waa in khasnada lagu shubaa balse waxa gacanta laga geliyaa saddexda gudoomiye een kor ku xusay.Garsooraha fulin waaya arrinkaa laguma qoro dacwadaha dantu ugu jirto.Tusaale aan u soo qaato dhacdo aan goob joog ka ahaa maxkamada.Dhalinyaro dhawr ah oo meel fadhiya ayaa waxa u yimi inan kale oo ay raadinayeen,way la dagaalameen,dhaawac ayay gaadh-siiyeen,wuu ka cararay,gurigoodii ayuu garaacay,walaalkii ayaa ka furay,kuwii eryanaayay ayaa soo shiiday,kadibna dhagax ayaa madaxa kaga dhacay walaalkii,halkii ayuu ku dhintay(AHN).Markii booliisku yimi waxa ay soo qabteen inan ka mid ah kuwii dhibta gaystay.Waxa la yaab noqotay booliiska oo isku kateena-deeyay inankii dhaawaca la gaadh-siiyay(Dhibane) iyo kay qabteen(Eedaysane).Cajiib!Kadibna qol lagu wada xidhay!Maxkamadii ayaa hadana iyagoo isku xidhan oo aan xidh-nayn kabo,shaadhadh-na aan gasha-nayn,soona quraacan la hor geeyay!Xeer-ilaaliyaha iyo baadhaha midna muu danayn xaalada dhalintaasi lagu hor geeyay maxkamada.Garsooraha galkooda hayay isna ma danayn,mana sii dayn dhibanaha ee rumaan ayuu toos ugu jaray.




Waxa is-waydiin mudan xagay martay xuquuqdii muwaadinku,miyaa la laabay shuruucdii iyo xeerarkii dalka.Maye garsoorayaashii jaamici-yiinta ahaa ee wasaarada cadaalada iyo UNDP ku tabceen,taba-barada la siiyay,loona magacaabay waaxda garsoorka si ay wax uga bedelaan cadaalad darrada ragaadisay maxkamadaha.Yaa se hir-gelin waayay ee caqabad ku noqday mashruucii uu madaxweyne Axmed-siiraanyo rabay inuu cadaalada ku toosiyo!




Nin ayaa laga hayaa(Shinbar-yahay soo ciyaar guday..miyaan cidi wax kuu sheegin..ma cadceedan soo baxdaa ayaa kula cusboonaatay..cirka iyo dhulka miyaanad ciiro ku arkaynin).




La Soco…………….




Xuseen Xasan Badmaax




Badmah100@hotmail.com




4026100




Hargeysa/JSL