Wednesday, June 25, 2014

RW. C/wali Sheikh oo ka qayb-gelaya Shir-madaxeedka Afrika oo ka furmaya E-Guinea


ShirkaaaMuqdisho, 25, June, 2014...(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay dalka Equatorial Guinea , halkaas oo ka dhici doono shirweyne ballaaran oo isugu imanayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU)




Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo shir Jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay ujjeedka socdaalkiisa iyo xaalado bani’aadamnimo oo laga soo sheegayo deegaano ka tirsan gobollada dalka.




“Aniga iyo Wafdiga ila socda waxaan uga qeyb galaynaa dalka Equatorial guinea shirka madaxda Africa, waxaana inta aan ku sugan nahay dalkaas la kulmi doonaa hoggaamiyaasha dalalka Africa oo kala hadli doono arrimo quseeya Soomaaliya iyo guud ahaan mandiqada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhinaca kale tilmaamay qeybo kamid ah gobollada dalka in ay ka jiraan xaalado bani’aadamnimo, wuxuuna ka codsaday shacabka Soomaaliyeed ee wax haysta inay u gurmadaan dadkooda tabaalaysan.




Cabdiwali Sheikh Maxamed Axmed ayaa intaasi raaciyay “Waxaa nasoo gaaraya deegaano badan oo dalka kamid ah inay ka jiraan xaalad bani’aadamnimo, xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay caawiso dadkaas dhibaataysan si loogu helo xal maangal ah oo waafaqsan bani’aadamnimada., waxaan maanta la kulmay guddi ka kooban Hay’addaha Qaramada Midoobay ee gargaarka qaabilsan oo Soomaaliya soo booqday si ay xaaladaha jira wax uga qabtaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.




Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa mar labaad soo dhaweeyay heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeen dhinacyadii isku hayey maamul u sameynta Lixda iyo Seddexda gobolka ee Koonfur galbeed, isagoo tilmaamay dowladdu inay diyaar u tahay cidii wax ka tabanaysa heshiiskaas in wada hadal lagu dhammeeyo,




Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkaan soo saartay digniin tan la mid ah oo sheegeysa in ay suurta gal tahay in Soomaaliya ay ka dhacaan abaaro ay dad badan ku dhintaan haddii aan si dhaqso ah gargaar la gaarsiin gobollada Soomaaliya.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com