Saturday, June 28, 2014

Aragti Sharci: Ma banaana in Mawaadin somaliland u dhashay loo dhiibo dal kale"


Qalinkii Garyaqaan Muuse Yuusuf




muuseDunida Dad kasta oo ku wada nool Goob uu Illaahay ku Abuuray oo Wada Deegaan Waxa ay leeyihiin Xeerar Xakame u ah oo ay ku wada dhaqmaan oo ay ku maareeyan Marxaladaha dhaqan ee la  darska ah iyo kuwa lasoo darsa, dhacdo kasta oo timaadana waxaa lagu dabaqaa wixii uga yaala ee xeer ah,




Sidaas oo kale ayay Dadka somalilandna uga leeyihiin xeerar ay ku maareeyan ama ku maamulaan dhinacyada kala duwan ee nolosha iyo xidhiidhka bulshada Xeerarkaas oo u kala sareeya Sida ay u kala saamayn badan yihiin, oo Diinteena suubani ka afdal tahay, halka ay kuwa bulshadu isku afgaratay ee ay rabitaankooda ku yimidna uu ugu sareeyo Dastuurka Qaranka, oo isaguna aanu khilaafayn diinteena suuban sida ku cad




 




QODOBKA 128 aad SALDHIGGA IYO SARRAYNTA DASTUURKA




1.            Dastuurka waxa saldhig u ah mabaadi'da Islaamka.




2.            Dastuurka ayaa ugu sarreeya xeerarka dalka, xeer kasta oo aan isaga   waafaqsanaynina, waxa uu noqonayaa waxba kama-jiraan.




Bulshada Somaliland waxaa uga masuul ah hirgalinta iyo ku hagista xeerarkan Nidaamka dawladanimo ee ku matala magaca Qarankooda, isla markaana ku dhaqmaaya, Taasna ku shaqaynteedu waxay masuuliyadooda tahay Masuuliyiinta ay u igmatay bulshadu Hogaaminta taladooda oo ah Saddexda Waaxood ee Qaranka.




Xeerarkan uu dastuurku ugu mudan yahay waa ka uu ku helayo maamuska iyo mansabka qof kasta oo qaranka xil u hayaa, Sidoo kalena gudasho la'aantooda iyo jabintoodana waxaa ka dhalanaya ciqaabo uu mutaysanaayo qof kasta oo bulshada ka mid ah Madax iyo mijoba.




Tusaale dabadii waxaa Xukuumada somaliland Todobaadkan dhamaaday gudihiisi ugacan galisay dalka jabuuti Muwaadiniin u dhalatay somaliland Taas oo ka hor imanaysa Dastuurka Sida Ku Cad




QODOBKA 35aad ISU-CELINTA EEDAYSANAYAASHA AMA DEMBIILAYAASHA IYO MAGAN-GELINTA SIYAASADEED




 




1.            Qofka shisheeyaha ah ee dalka ku soo galay ama ku joogay si xeerka waafaqsan ee weydiista magangelyo siyaasadeed, waa Ia siin karaa haddii uu buuxiyo shuruudaha ku xusan xeerka u dhigan magan-gelinta.




2.            Ma bannaana in muwaadinka Somaliland loo dhiibo dawlad shisheeye.




3.            Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa dambule ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka weydiistay celintiisa.




Tani Waxay noqonaysaa Gaf dastuuriya oo ay ka dhalankarto Ciqaabi Sida ku cad Isla Dastuurka




QODOBKA 96AAD




EEDEYNTA IYO MMMUUS-KA-XAYUUBINTA M/WEYNAHA, KU-XIGEENKA IYO WASIIRADA




 




1 .Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha lagu Soo oogo dembiyada kala ah:­




b.            Khiyaamo Qaran (High Treason) ama




t.             Ku xad gudub Dastuurka




Waxa Si aan madmadaw iyo muran lahayn uu dastuurku u cadaynayaa In aan muwaadin u dhashay somaliland aan loo gacan galin karin shisheeye,




Hadaba Markay dhacdo maxaa ii damaanad ah?




Waxa ka jawaabay isla Dastuurka Qodobkan 96aad  Faqradiisa 1aad Xarafkeeda (T).




Waxaan ku soo Gunaanadayaa Falkani waa ku xadgudub iyo jabintii Dastuurka ku timaada ee ina soo martay sidaas darteed jawaabta kaliya ee lagula tacaali karo waxaan u arkaa Inay Tahay in loo Raaco Dastuurka oo Lagu qaado Maamuus ka xayuubi cidii ay u sugnaatay Ciqaabtaa Dastuuriga ah ee ku cad Q.96 ee dastuurka.




Hadii kale xaalkeenu waa allowsahal.




 




Wa Bilaahi Tawfiiq