Wednesday, June 25, 2014

Sheeko Xigmadaysan: Ma ila socotaa..?. Q1-aad


???????????????????????????????Akhristeyaal waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Sheekooyin murti iyo miisaan badan xambaarsan oo u soo bixi doona si Taxane ah.




Sheekaddan oo magaceeda la yidhaahdo “MA ILA SOCOTAA”, waxa soo diyaariyay Boqor, Prof. Faysal Cismaan Faarax oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland, isla markaana ah hogaan dhaqameed aqoonyahan ah daraaseeya arrimaha siyaasadda iyo Bulshada.




Sheekada Ma ila socotaa, oo u soo bixi doonta qayb qayb kooban oo nuxur badan iyo micno kala duwan xambaarsan, ayaa waxay sawir ka bixinaysaa xaaladaha siyaasaddeed ee dalka ka taagan iyo dhaqdhaqaaqyada Mujtamca Somaliland.




Sheekadda 1-aad




Waxa la yidhi Nin Boqor ah oo xukumi jiray mid ka mid ah Boqortooyooyinkii Qadiimiga ah ee ee dunida soo maray , ayaa Maalin maalmaha ka mid ah Casuumay laba Nin oo ka mid ahaa dadkii ku degenaa Magaalada xarunta u ah maamulkiisa.




Labadaas nin ee uu Boqorku casuumay waxay kala ahaayeen Ninkii Magaalada ugu Bakhaylsanaa iyo Ninkii ugu Xaasasid sanaa.




Dabadeed markii Casuumadii loo fadhiistay ayaa Boqorkii intuu istaagay  ku yidhi “labadii Nin, maanta waxaan idiinku yeedhay oo aan idiin casuumay inaad wax kasta oo aad jeceshihiin  iga codsataan, aniguna aan  idiin fuliyo, laakiinse waxaan idinku xidhayaa hal Shardi.




Shirdigaasoo ah ka hore waxa uu dalbado inaan ka dambe u laba laabo” “Tusaale ahaan haduu boqol halaad oo Geel ah ka hore dalbado, ka dambe waxaan siinayaa laba boqol oo Halaad, sidaas darteed ka hore waxa uu codsado ka dambe waan laban laabayaa.




Kaddib labadii Nin mid waliba wuxuu jeclaystay inuu noqdo qofka dambe ama yeesho  codsiga dambe.




Dabadeed wakhtigii ayaa dheeraaday intay faadhumaysanayeen ee midba midka kale eegayay, inuu ka horeeyo. Markii hadal ka soo bixi waayay ayaa  boqorkii intuu qoslay yidhi “waan idin arkaayoo waxbaa idin helaye, sodon daqiiqo guddohood hadaydaan ku sheegan codsigiina, labadiina waan idin khaarajinayaa.




Nasiib daro markii ay dhacday daqiiqadii 29-aad ee wakhtiga loo qabtay, isla markaana hal daqiiqo u hadhsantahay, ayaa waxa istaagay Ninkii Xaasidka ahaa  waxaanu yidhi “Boqor Aniga Iftiinka  cad-ceeda ayaa  dhib igu haya, sidaa awgeed waxaan codsanayaa inaad Il iga rido si aan Ilayska qoraxda qayb uga nasto!”.




Markii  codsigii Ninka Xaasidka ah la fuliyay, ayaa kii bakhaylka aahana halkii labada indhood lagaga riday!!!!.




May ila socotaa…




By: Boqor Faysal Cismaan Faarax




Hargeysa/ Somaliland




Email: kingfaysal1111@hotmail.com




Tel: 0634426644