Saturday, June 28, 2014

Somaliland oo Muwaadin kale u dhiibaysa Denmark


Qoyska Cumar Xasan Cumar waxay ka walaacsanyihiin in Wiilkooda loo dhiibo dal kale?warbixin




SiinakHargeysa(GNA)-Dawladda Somaliland ayaa toddobaadkii hore xabsiga u taxaabtay muwaadin magaciisu yahay Cumar Xasan Cumar  oo  haysta sharciga Dalka Denmark, balse Somaliland u dhashay.




Muwaadinkan oo ku xidhan xabsi ku yaala Magaalada Hargeysa ayaa walaac laga qabaa inay Somaliland u gacan geliso Denmark, sida ay sheegeen qoyskiisa oo Warbaahinta u waramay.




Somaliland ayaa hore saddex mawaadin oo dalkeeda u dhashay u dhiibtay Djibouti, taasoo bulshada ku abuurtay Walaac iyo dareemo xaasaasi ah.




Muwaadinkan oo ah nin dhallinyaro ah ayaa warar soo baxay ay sheegayaan in ay xadhigiisa dalbatay dawladda Denmark. Waxaanay  qoyskiisu aad uga wer-wersanyihiin in wiilkooda oo ah muwaadin Somaliland u dhashay loo gacan geliyo dawlad kale oo shisheeye ah, taasoo ay xukuumadda Somaliland ka dalbadeen inay aad uga taxadirto.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay’addaha Amaanka Somaliland ee wiilkani u xidhanyahay oo la xidhiidha sababta loo heysto iyo jiritaanka warka sheegaya in dal kale loo dhiibayo.




Hase ahaatee ilo-wareedyo Gobanimonews heshay ayaa sheegaya inay qorshahan xukuumaddu wali ku foogantahay.




Qoyska muwaadinkan ayaa dalbanaya in wiilkooda xorriyadiisa loo soo celiyo mar haddii aanu jirin dambi uu galay oo ay dawladda Somaliland u haysato, laakiinse taasi waa codsi aan tafsiir looga helin xukuumadda.




Denmark iyo Somaliland




Ma jiro heshiis iskaashi oo heerkan gaadhsiisan oo u dhexeeya Somaliland iyo Denmark, waxaase jira heshiis ay dawladdo badan oo reer Yurub ah Somaliland kala shaqayso la dagaalanka Budhcad baddeeda.waxaana dawladdahaas ka mid ah Denmark iyo Sweden oo ka mid ah dalalka laysku yidhaahdo Scandinavians.




Sidoo kale waxa jiray Heshiisyo qabyo ah oo ay labada dawladdood dhowr jeer ka wada gaadheen arrin ku saabsan Dadka reer Somaliland ee ku nool dalka Denmark, kuwaasoo sidii dalkooda loogu soo celin lahaa ay ka wada hadleen maamulada labada dal.




Si kastaba ha ahaatee xaasaasiyada todobaadkii u dambeeyay ka soo korodhay dadka reer Somaliland ee dalalka Shisheeye loo dhiibayo, ayaa ah mid si weyn shacbiga u taabatay, iyadoo walaaca ugu weyni ka abuurmay saddex mawaadin oo dawladda Djibouti lagu wareejiyay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com