Sunday, June 29, 2014

Somaliland:Madaxtooyada iyo Taageerayaasheedu maxay uga gubteen Dhaliisha M. Xaashi?


Xildhibaan Abyan iyo Dhuxul oo Xukuumadda Siilaanyo Difaacay!!Warbixin




dhuxul-at-breifing-the-presss-618x412Hargeysa(GNA)-Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Degmada Caynabo, ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi uu sumcadii uu ku lahaa bulshada Somaliland dhexdeeda ku luminayo Eeddeymo aan garowshiyo lahayn oo intii xilka uu ka maqnaa u jeediyay xukuumadda uu ka tirsanaa.




“Maxamed Xaashi wuxuu ahaa Masuul sumcad iyo sharaf ku leh umadda Somaliland, laakiinse  beryahan dambe waxa ka soo yeedhayay hadalo dhaawacaya qaranimada oo aan ku wanaagsanayn in laga sheego warbaahinta”ayuu yidhi Maxamed Abyan oo la hadlay Gobanimonews.




Waxaanu intaas ku daray “anigoo ku hadlaya afka shacbiga reer Caynabo ee na soo doortay, runtii hadalkaa ka soo yeedhay Wasiirka aad iyo aad ayaannu u dhaliilaynaa, waxaanan u aragnaa mid uu ku waayayo sumcadii uu ku lahaa Bulshada Somaliland iyo waxyaabihii wanaagsanaa ee uu qabtay”.




Xildhibaan Abyan sharaxaad dheeraad ah kamuu bixin hadalka Maxamed Xaashi ka soo yeedhay ee damqay, balse waxa uu ku soo uruuriyay su’aal laga waydiiyay arintaas “hada uun maahee beryahaabaa waxa ka soo yeedhayey hadalo qaranka curdinka ah waxyeello ku keenaya, waxaanan u soo jeedinayaa inuu dalka u tudho”ayuu yidhi




Hadalka Xildhibaanka Deegaanka Caynabo ka soo yeedhay, ayaa Taageero u noqonaya weedho bilaa tamar ah oo ka soo yeedhay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo maanta isna u jawaabay Maxamed Xaashi.




Afhayeenka Xafiiskiisu kashifanyahay Axmed Saleban Dhuxul, ayaa warbaahinta isa soo hortaagay isagoo ka jawaabaya Eedeymaha xukuumadda uga yimi Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi, waxaanu ku doodday in Maxamed Xaashi duulimaad ku yahay qastiga Umadda iyo guusha dawladdu tallaabsatay.




“Waxa jira rag waaweyn oo mas’uuliyiin ah oo qaran tacab badan uu ka soo galay oo tacab badan dadkan ka soo galay oo u soo halgamay oo maanta tacabkii ay soo dhigeen inay baabi’iyaan garbo duub looga hayo, waxa ka mid ah Maxamed Xaashi Cilmi, dalkan dhibaatooyin farabadan buu u soo maray, wuu soo halgamay, qiimahaas ayuu ku lahaa, maantana tacabkii dalkan markii la gaadhay ee qiimihiisii la gaadhay ee sharaftii shacabka Somaliland ay soo noqotay ee wixii ay u halgamayeen la helay ee qaranimadii soo noqotay, ayaad moodaa rag badan oo Maxamed Xaashi ka mid yahay in tacabkaas ee ummadan soo gashay inay burburiyaan, mar walba xukuumadda ha dhaliilo, waa la dhaliili karaa xukuumaddu dhalliil way yeelan kartaa, inkastoo aanay dhalliilba lahayn, haddana wixii dhaliil xukuumadu leedahay waa loo sheegi karaa, laakiin waxa masiibo ah oo layaab ah mar walba Maxamed Xaashi Cilmi ereyo aan laaqi ahayn oo qarankan iyo karaamadda ummadda iyo hoggaankii ummadan ay soo dooratay”ayuu yidhi Dhuxul.




Waxa uu hadal dheer oo bilaa xigmad ah oo uu sheegay intaas ku sii daray “waxaan xusuustaa Maxamed Xaashi Cilmi, marbaa aniga iyo ninka la yidhaa Sayidbaa uu noo yeedhay markuu Wasiirka Maaliyadda ahaa, kadibna waanu u tagnoo waxaanu ku nidhi, waar ninyow anagu mucaaridnimadii ayaanu ku fiicnayn ee muxaafidnimadan la garan mayno. fadhiistabuu yidhi xafiiskiisii, wuxuu yidhi i dhagaysta maanta, dawlad ka wacan dawladaa maanta aynu hayno oo Somaliland dib u soo maraysa.




Maxamed Xaashi Cilmibaa xilkii laga qaadoo  mar dambaanu is aragnoo wuxuu igu yidhi, Dhuxuloow wali maad la joogtaa, waxaan ku idhi Maxamed Xaashoow ninkii sidaas na yidhi maanad ahayn ee lahaa dawladdan dawlad ka wacan ma jirto, mid ka wacana Somaliland ma soo mari doonto , adigu miyaanad nagu odhan, miyaanad nagula tallin taas, tiibaanu haysanaa oo aanu ku adag nahay, wuxuu yidhi haayee sawtii i eriday.




 waxaan ku idhi oo ma adigay kuu qiyaasnayd markaa, wanaageeda iyo xummaanteedu ma aduu kugu qiyaasnaa.




 hadaba waxaan leeyahay Maxamed Xaashi Cilmi oo saaka jariidadaha ku qoray  waxa jira Ra’iisal Wasaare aan muuqan, dalkeenu qaabka uu leeyahay iyo dastuurkiisu u caddeeyey, waxaan leeyahay Ra’iisal Wasaare iyo meel kuu jiro iyo meel uu leeyahayba ma jiro, waxa kaluu yidhi, Madaxweynuhu wuxuu lummiyey buu yidhi sharaftiisii iyo tii SNM, Madaxweynuhu sharaftiisii, tii dalka Somaliland iyo tii SNM-ba korbuu u qaadee”.




Jawaabta Madaxtooyada iyo Taageerayaasheeda ka bixiyeen Dhaliisha uga timi Wasiirkii hore ee Maaliyada oo u muuqata Falaadhi gil-gilasho kaagama ba’do, ayaa ku soo aadaya xili ay raad beeleen gol-dallooloyinka siyaasada xukuumadda siilaanyo ka muuqdaa, isla markaana ay ku fashilantay inay mujtamaca ku qanciso hogaamin maamul oo ka reeban Maamul xumo, musuqmaasuq iyo dhibaatooyinka kale ee ay bulshada ku hayso.




Hase ahaatee dadku waxay isweydiinayaan Madaxdtooyadu ma waxay wayday cid kale oo u jawaabta siyaasigan Mucaaridka ah, inta ay u dirayso Afhayeenka shaqada  Xafiiskiisa ku fashilmay ee isagu ka nabad galay in wax laga sheego.




Filasho wacan Akhristeyaal Faddeexadaha Dul-hoganaya Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Bohol lama Galaan ah noqday tan iyo markii Axmed Saleban Dhuxul loo magacaabay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com