Saturday, June 28, 2014

Nigeria oo 10 ruux ku dhinteen Qarax ka dhacay meel mukhbaraad ah


qARAXNAbuja(GNA)-Ugu yaraan toban ruux ayaa ku geeriyooday afar iyo toban kalena way  ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magalada waqooyiga ku taala ee Bauchi ee dalka Nigeria , sidaa Bilayska ayaa sheegay.




Qaraxaasi oo dhacay habeenimadii jimcihii waxaa uu ka dhacay goob ay isticmaalaan haweenka jidhkooda ka ganacsada.




Ilaa io hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada werarkaasi, laakiinse malayshiyada islaamiga ah ee Boko Xaraam ayaa weeraro isdaba joog ah ka geysatay Magaaladan




Arbacadii ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay suuq laga dukaamaysto oo ku yaala caasimada waddankaasi ee Abuja. Waxaana sheegatay Boko Haram.




Tiradda dadka lagu laayay Nigeriya ayaa ka badan toban kun oo qof, sida lagu qiyaasay, kuwaasoo ay laayeen Ururka Boko Xaaraam tan iyo markay Dagaalka ka bilaabeen dalkaasi shan sano ka hor.