Monday, June 2, 2014

Xaruntii Ufficio Governo ee Muqdisho oo iskaa wax u qabso lagu dhisayo


Dawladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed oo isku daraya Hal milyan oo dib loogu dhisayo




 



iskaa wax u



Mogadisho, 01, June, 2014(GNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay Xaruntii hore Maamulka Goboka Banaadir (Ufficio Governo).




Munaasibadda dhagax dhiga waxa ka qayb galay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasiirka Gaashaandhigga, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, masuuliyiin Dowladda ka tirsan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayey mashruuc dib loogu dhisayo xarunta maanta Madaxweynahu uu dhagax-dhigay.




Mashruucaan dib loogu dhisayo Xaruntii Dowladda Hoose ee Muqdisho oo loogu magac daray (Dalkaaga Dhiso) ayaa waxaa ku baxaya ku dhawaad 2-Milyan oo Dollar ah. Lacagta ku baxeysa oo qaarkeed la helay ayaa waxaa bixinaya shirkadaha gaar ah loo lee-yahay ee Soomaaliyeed, Shacabka Soomaaliyeed oo iskood u bixinaya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Federaalka.




 



 



Maamulkaa Gobolka sheegay inuu furay Bank Account halkaasi oo ay dad Soomaaliyeed ku soo shubayaan lacagaha si xarunta loogu dhiso. iskaa wax u3 iskaa wax




Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskaa wax u2Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada ayaa yiri. “Xaruntan Taariiqdeena ayey ka mid tahay, kuwa qaar waa naga baaba’een laakin kuwa daba qabadka leh oo dib loo habeyn karo waa inaan dayac tiranaa oo aan sidii hore ku soo celinaa. Macquul maaha in taariideenna baaba’do ,”




Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in marka hore loo baahan yahay in aan waxqabsano. “Mashruucaan waa mid billow ah xaqiiduna waxay tahay. Dalkeenna anagu ayuu dhismo naga sugayaa, haddaan anagu wax-qabsano ayey Aduunyadu na kaalmeyn kartaa. Waan hubaa haddii dhismaha dhameystirmo in Dadkeenna Soomaaliyeed dhihi doonaan anaga ayaa qalabeneyna maadaama haddaba dhismahiisa ay qeybtoodu ka qaadanayaan”.




 “Dadka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan Dal iyo Dibadba waxaan ugu baaqayaa inay ka qeyb qaataan oo ay garab istaagaan mashruucaan loogu magac daray (Dalkaaga Dhiso) wuxuu qeyb ka yahay fekerka ah inaan Dalkeenna dib u dhisano oo aan xoogeyna, xoolaheenna iyo aqoonteena ku bixino, waana feker macno leh”. Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynahu.




Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahad-celiyey maamulka Gobolka Banaadir, Shirkadaha gaar loo leeyahay ee Soomaaliyeed iyo Shacabka Soomaaliyeed iska kaashanaya dhismaha dib loogu habenayo Xaruntii Dowladda Hoose ee Muqdisho.




Xubno ka mid ah Masuuliyiinta dawladda iyo Sharaa’iga ka qayb qaadanaya dib u dhiska xaruntan, ayaa soo dhaweeyay qorshahan oo bulshada ku dhiiri gelinaya waddaniyada iyo wax wada qabsiga.




Mashaariic fara badan oo iskaa wax u qabso lagu dhisay ayaa ka hir gelay dalka Soomaaliya xiligii ay dalka ka talinaysay dawladdii Jaale Siyaad Barre, hase ahaatee wixii ka dambeeyey intii ay bur-burtay nolosha dadka iyo guud ahaan adeegyada aasaasiga ah ee jira ayaa dhamaantood ahaa kuwo dadku qabsaday oo aanay helin dawlad ku gacan siisa.iskaawa




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com