Weriyaha Tvga qaranka ee gobolka Sanaag waxaanu ka raaligelinaynaa maqaalkii xambaarsanaa xiqdiga iyo xaasidnimada ee qofka magaca Cadde sheegtay uu kula dulkufay kaasoo lagu soo daabacay bogaga akhristayaasha ee shabakada oodweyne.
Marka hore waxaan odhan lahaa ninkaa is qarinaya ee daaha dabadiisa ku jirow badheedh, waxa la yidhi been hadaad sheegayso wax u eeg baa sheegaa, waxaan aad ula yaabay maqaalka xaasidnimada qaawani ka muuqatey oo qofka garanwaaga ah ee magaciisa cade ku sheeganay uu weriyaha Tvga qaranka kula dulkufay, waxaana marag ma doon ah in wararka gobolka Sanaag ay yihiin kuwa ugu badan ee ka baxa TVga qaranka Somaliland ,Bulshada gobolkuna ay raali buuxda ku qabaan uguna jecel yihiin wararka iyo barmaamijyada ka baxa Tvga iyo Idaacadaba ee weriyuhu uga soo tebiyo degaamada kala duwan ee gobolka si dhexdhexaadnimo ah.
Sxb qofkanow Iiimaan la,aantuna yay ku geyeysiin inaad bulshada reer Sanaag kala qolo qolaysid adigoo qof shaqadii ku duulaya.
Weriyaha TVga ee qaranka gobolka Sanaag MM.saraaf, sida aan u aqaan waa nin caan ah oo aanad sxb ku dherersan Karin, waana ruugcadaa ilaahay siiyey balaaqo iyo aqoon saxaafadeed isla markaasna bulshada reer Somaliland iyo sanaagba dhexdooda ku leh xidhiidh wanaagsan iyo sumcadba, waana weriyaha aanu ugu jecelalahay codkiisa iyo wararkiisaba, waana halyey qaranku ku kalsoonyahay,
Sidaa daraadeed waxaan mar labaad ka raali gelinayaa weriyaha maqaalkaa qofkaa cadde sheegtay uu shabakadaasi ku faygaray
Waxaana kusoo gebegabaynayaa qormadaydan sxb ujeedadaadu ma booska iiga qaadaa? Waanu ku fahanaye Sxb ilaahay baa risiqa bixiyee isaga bari, iskana daa makhruuqnimada aad risiqa iyo shaqada binu aadama kaga sheekaynayso. Shaqada weriyuhuna maaha boos siyaasadeed ee waa xil farsamo.
Qalinkii Barkhad Maxamuud Geedi
[ahmedweli beeyo gobanimonews\