Monday, June 2, 2014

Kenya oo Sirdoonka USA ku eeddeysay inay dhegeystaan Telefoonka Uhuru Kenyatta


uhuru_kenyattaNairobi(GNA)-Dowlada kenya ayaa bilowday baritaan ay ku samaynayso eedayn ku saabsan in sirdoonka maraykanku dhagaystan wada hadala dhinaca telefonada ah ee dhexmara madaxwaynaha Kenya Uhuru kenyatta iyo sarakiisha kale ee madaxtooyada.




Arinkan ayaa waxa shaaca ka qaaday wasiirka warfafinta  fred Matiangi oo sheegay  in dowladu arinkan guuntisa ay soo ogaan doonto.




Mr fred wasiirka warfafinta ayaa carabka ku dhuftay in dowladu aanay u dulqaadan doonin dhagaysiga telephone-ka madaxwaynaha taas oo u sheegey in hore loogu sameyey madaxda calamka.




Mr fred ayaa sido kale shaaca ka qaaday inuu socdo qorshe lagu dhagaysanayo hagamiyaasha bariga Africa.




Bishii October ee sanadkii hore ayay ahay markii hogaamiyaha dalka jarmaalka Angela Merkel aya shaaca ka qaaday in sirdoonka maraykanku dhagaystan telefoonkeda taas oo walac ku abuurtay madaxda dalalka yurub.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com