Wednesday, June 18, 2014

Xafiiska reysal-wasaaraha oo Lacag Deeq ah gaarsiiyey Carruur ku jirta Cisbitaalka Madiina


cisbiyaMuqdisho, 18. June, 2014(GNA)-Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dr. Cumar Xasan Cusmaan ayaa ku booqday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho dhaawacyada saddex caruur ah oo dhawaan waxyeelo kasoo gaartay qarax ka dhacay degmada Xamar-jajab ee Gobalka Banaadir oo Miino ah.




cisbi 




Cumar ayaa mid mid u booqday dhaawacyada caruurtan, wuxuuna waalidiinta dhallaankaasi ku wareejiyay lacag gaaraysa 1,500 dollar, isagoo u rajeeyay inuu alle siiyo caafimaad deg deg ah. Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsay qeybaha kale ee dowladda iyo hay’addaha samafalka in ay caawiyaan dadka tabaaleysan ee ku jira qaar ka mid ah cusbitaaladda magaalada Muqdisho.




Dr. Cumar ayaa sheegay inuu booqasho gabaan ugu yimid Bukaanada ku jira Isbitaalka isaga oo ka wakiil ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si ay ula qeybsadaan dareenkooda, isla-markaana ay soo gaarsiiyeen deeq lacageed.




“Xukuumaddeenu aad ayay uga xun tahay dhibaatooyinka maalin kasta soo gaaraya shacabka Soomaaliyeed, waxayna diyaar u tahay inay culayska iyo dhibaatada la qaybsato dadkeeda” ayuu yiri Mudane Cumar.




Waa masuulkii ugu horreyeey ee ka socda dowladda oo deeq lacageed gaarsiiya carruurtan oo sabtidii  ku dhaawacantay qarax ay kooxaha Dawladda Dagaalka kula jiraa dhigeen meel qashinka lagu qubo oo ku taalla goob u dhow sarta Uunlaaye ee xaafada Xamar Jajab.cisniya




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com