Burco (GNA)-Laba qof ayaa ku dhintay Shil gaadhi, afar kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii uu duleedka Magaalada Burco kula qalimay Gaadhi nooca NUAH-da loo yaqaano ahi.
Dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay ayaa ka mid ahaa Taageerayaal halkaasi ku soo dhaweynayay Hogaanka Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI oo booqasho ku tegay Magaalada Burco.
Wefti uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa lagu soo dhaweynayay gaadiid tiro badan oo meel ka baxsan Magaalada kaga hortegay.
Dadka dhaawacmay ayaa la gaadhsiiyey Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka ee Magaalada Burco.
Shilalka ka dhasha socodka Wufuuda Siyaasadda Somaliland ayaan ahayn wax cusub, iyadoo ay inta badan sababaan Xawaaraha Gaadiidku socdaan iyo Jibada Dadweynaha oo isbiirsada.
Shilal badan oo Taariikhda galay ayaa ka dhashay soo dhaweyn ama socdaal wufuudda Xisbiyeedyo ku tageen Gobollada Somaliland.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com