Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka, ahna Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ayaa dhambaal tacsi ah u diray laba xubnood oo xisbigiisa ka tirsanaan jiray oo Maanta ku geeriyooday Shil-baabuur.
War qoraal ah oo ka soo baxay xarunta dhexe ee Xisbiga, ayaa lagu xaqiijiyay inay Shil Baabuur oo ka dhacay Duleedka Degmada Burco ay ku geeriyoodeen Marxuum Jamac Xuseen Ceerigaabo iyo Marxuum Yusuf Maxamed Diiriye oo ka mid ahaa Taageerayaasha Xisbiga.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa waxa kale oo uu u duceeyay dhawr qof oo iyaguna shilkaasi ku dhaawacmay.
“Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, dhamaan G/Fulinta, G/Dhexe iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanaysan tacasi u diryaan xaasaskii, caruurtii, eheledii, qaraabadii ay ka baxeen labada marxuum.
Marxuum Jamac Xuseen Ceerigaabo iyo Marxuum Yusuf Maxamed Diiriye oo ku geeriyooda shil baabuur oo maanta ka dhacay magaalada burco marxuumintaas oo ka mid ahaa waftigii soo dhaweyay Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ee ka soo baxay magaalada burco
Waxaanu Eebe uga baryayna innu ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaanteenna samir iyo iimaan inga siyo, inta ku dhaawacntay ilaahay waxaanu uga baryaynaa in uu siiyo caafimaad sareecana.
Aamiin Aamin Aamin
Md . Cabdiraxman M Cabdilaahi (Cirro)
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI