
Hargeysa(GNA)-Wasiirka horumarinta Deegaanka iyo reer Miyiga Somaliland Shukri X. Baandare iyo Guddida Kayraadka Dabeeciga ah ee Golaha Wakiillada ayaa yeeshay kulan Albaabadu u xidhnayihiin maanta.
Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta Baarlamanka, waxaanay sida wasiirku sheegtay ay labada iskaga xog waraysteen Xeerka deegaanka oo dhawaan la horkeenay Golaha Baarlamanka iyo arrimaha kale ee dhinaca Deegaanka.
Shugri Xaaji Baandare oo la hadashay Warbaahinta markii shirka laga soo dareeray ayaa faahfaahin ka bixisay waxyaabihii ay ka wada hadleen Guddida Wakiillada, iyadoo dhinaca kalena wariyeyaashu ay su’aallo la xidhiidha shaqada wasaaraddaas halkaasi ku waydiiyeen.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/ZOOM0030.mp3"][/audio]