Rome(GNA)-Dawladda Talyaaniga ayaa joojinaysa qaabilaada Tahriibeyaasha dalkeeda u soo haajiraya, xili ay sii kordhayaan dadka ku sii qul-qulaya ee tahriibeyaasha ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Italia Angelino Alfano, oo Salaasadii shalay la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday inay Roma joojinayso badbaadinta dadka Baddaha ku soo haajiraya ee ka imanaya dalalka afrika.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in dalkiisu khaati ka joogo Tahribeyaasha Sharci darada ah ee ka imanaya dalalka Afrika iyo meello kale.
Warka ka soo baxay Dawladda Talyaniga ayaa ku soo beegmaya xili ay dadka Tahriibeyaashi ah ee ka gudbaya Badda Mediterranean Sea, kuwaasoo ka safraya Xeebaha Libiya ay sanadihii ugu dambeeyay kor u sii kaceen.
Dadka dalkaas Tahriibta ku gala ayaa uga sii gudba waddamo kale oo Yurub iyo Maraykanku ka mid yihiin si ay nolol iyo sharci uga raadsadaan.
Talyaniga ayaa sanadkii ugu dambeeyey la tacaalayay in nolol lagu soo badbaadiyo Tahriibeyaasha, iyadoo ay Doonyaha macbalka ah ee ay dalka Libiya ka soo raacaan loo diyaariyay maraakiib dawladdu leedahay oo badweynta ka soo jiida.
Laakiinse go’aankan ka soo baxay ayaa walaac ku abuuraya Kumanaan Afrikaan ah oo ku sugan Dalka Libiya kuwaasoo isu diyaarinaya inay u sii dhaafaan Dalka Talyaaniga.
Dadka Tahriibeyaasha ah ayaa badankoodu ka soo kala jeeda dalalka Geeska Afrika.
Talyaaniga ayaa sanadkii la soo dhaafay wuxuu qaabilay Boqolaal kun oo qaxoonti ah oo ka soo qaxay Dalka Syria ee colaadaha siyaasaddeed ka taaganyihiin.
Jasiirada Malta ayaa ahayd dariiqa labaad ee ay Tahriibeyaashu iska dhiibaan marka ay badweynta ka talaabaan.