Ugu yaraan 3000 Arday oo Soomaaliya iyo Somaliland ka soo kala jeeda ayaa waxbarasho kaga jira Jaamacaddaha Sudan…GNA
Khartoum(GNA)-Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowlada fedaraal somaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa habenimadii xalay soo gadhay casimada khartuum ee dalka sudan.
Wasiirka Waxbarasha Ducaale Adan Mahamed iyo wafdida uu horkacayo ayaa garoonka diyaarada magalada khartuum waxa kusoo dhaweyey dhigisa dalka sudan iyo masuuliyin katirsan safarada somaliya ee dalka sudan.
Waxa kale oo soo dhawaynta wasiirka ka qayb qaatay xildhibaan Samiira Adan oo hawlo shaqo u joogta dalka sudan.
Kadib soo dhawaynta wasiirka ayaa waxa loo soo galbiyey hoteelka u ka dagan yahay magalada khartuum.
Wasiirka ayaa mudo 4 malmood ah ku sugnaan Doona dalka sudan, safarka wasiirka ayaa waxa uu kor galayaa deeq waxbarasho oo dowlada sudan ugu deeqday dowlada somaliya.
Wasiirka ayaa wuxuu la kulmi doona jaliyada somaliyeed ee ku sugan dalka sudan.
Arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Suudaan
soomali aad u tiro badan ayaa ku nool dalka Sudan, kuwaasoo badankoodu arday yihiin.
Ilaa 3000 Arday ayaa waxbarasho kala duwan u jooga Sudaan, waxaanay kuwa ugu badani wax ka bartaan Jaamacado ku yaalla Khartuum.
in ku dhow 600 Arday, ayaa ka soo jeedda Somaliland, sida uu Gobanimonews u sheegay Axmed Yaasiin Qodxaani oo ka mid ah Ardayda halkaa wax ku barata.
“Soomaali badan ayaa jooga dalkan, waxa ka mid ah ilaa 3000 arday oo Jaamacado dhigt, Ardaydaa khartoum ayey tirada ugu badan joogtaa gobolada kale laftigooda wey badanyihin”ayuu sheegay Axmed-yaasiin.
Waxaanu intaas ku daray “Ardaydu waxay bartaan waa economy iyo bussines iyo education majoritygu, caafimaadka aad looma helo markaa ma badna”ayuu yiri Axmed oo isagu barta Culuumta Caafimaadku.
Dawladda Suudaan
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta Suudaan ayaa ka mahadsheegtay dawladda Suudaan iyo shacbigeeda waxaanay sheegeen in si wanaagsan loo soo dhaweeyo.
Waxa kale oo xubno ka mid ah Ardaydu Gobanimo u sheegeen inaanay Kaalmo fiican ka helin Safaarada Soomaalida ee dalka, balse gacmo furan iyo soo dhaweyn ay u fidiyaan Sudaniyiintu, kuwa dalka yimaada ee cusub iyo kuwa hore u sii joogay.
Sudan ayaa ka mid ah dalalka tan iyo markii ay jirtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya Ardayda Soomaaliyeed wax ku soo baran jireen, waxaanay ka mid tahay wadamada saaxiibtinimada dheer la leh Soomalida.
Dhaqan ahaan waxyaabo badan ayay iska metelaan Soomalida iyo Sudaniyiintu, xaga diintana waa laba dal oo Muslim ah, inkasta oo Suudaan qaybo ka mid ah ay degaan dad cawaan ahi.
Laakiinse tobankii sano ee la soo dhaafay waxa gudaha dalkan iyo Saxaraha Liibiya u dhexeeya silic iyo saxariir ugu dhintay boqolaal Soomaali ah oo ay qaarkood waxyeelo u geysteen kooxo qowlaysato ah oo markii dambe gaadhay heer ay ka ganacsadaan Dadka Soomaalida, iyadoo sida la sheegay muhaajiriin badan xubnaha jirkooda inta lala baxay dibada loo iib geeyey.
Wasiirka ka socda dawlada Soomaaliya ee hada booqashada ku jooga Sudan ayaa hada si gaar ah ugu kuur galo xaaladaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed.
Gobanimonews
Warbixintan waxa wada diyaariyay Cabdirahmaan Buurdhaab oo jooga Kenya iyo Saleban Cabdi Cali Hargeysa jooga /waxa ka qayb-qaatay hawl-wadeeno kale oo ka tirsan bahda Gobanimonews ee Khartuum.
Gobanimonews
Khartuum Office
Email: editor@gobanimonews.com