Xulka qaranka France ayaa 3-0 kaga adkaaday xulka Honduras oo ciyaarta intii badnayd ku ciyaarayay 10 ciyaaryahan oo kaliya, kulankii labaad ee Group E oo caawa ka dhacay garoonka Estadio Beira ee magaalada Rio de Janiero.
france 3 0 honduras jjjKareem Banzema ayaa ahaa xidiga Garoonka , waxaanu shabaqa dhigay gool rigoodhe ah iyo gool labaad oo uu kubad xoog ah si qurux badan ugu luxay shabaqa Honduras.
France ayaa goolka labaad ee ciyaarta oo ay iska dhalisay Honduras , waxaa go’aamiyey Technology-yada casriga ah ee sanadkan la isticmaalayo oo ah (Goal Line Technology) kadib markii kubad uu Goolkiisa ku ganay ciyaaryahanka Noel Valladares oo birta ku dhacday line ka goolka weydaaratay , Tiknoolajiguna soo qoray inay dhalatay oo gool tahay. halka gool labaad uu soo qoray inaanay dhallan, kubad uu Banzema dhaafiyay goolwadaha oo biryta ka soo noqotay markii uu goolhayuhu ku dul qabtay Liidka goolka.
france 3 0 hondurasDaqiiqadii 43 aad ee qaybyii hore ee ciyaarta , ayaa waxa kaadhka casaanka ah laga siiyey Honduras , laacibka khadka dhexe ee kooxda Stoke City ee wadanka Ingiriiska ka ciyaara, Wilson Palacios kadib markii uu kaadh labaad oo huruud ah ciyaarta dhexdeeda ku qaatay.
Ciyaartuna waxay ku dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday xulka tababare Didier Deschamps ee France.
Group E oo ay ku wada Jiraan , France , Switzerland , Ecuador iyo Honduras , waxaa Badiyey oo min 3 dhibcood Leh , Faransiiska Iyo Switzerland , Labada xul ee kalana wax dhibic ah ma ay Xoogsanin.
Switzerland iyo Ecuador
Dhinaca kale waxa caawa wada ciyaaray Xulka kubada cagta Switzerland iyo Ecuador.
Ecuador ayaa hogaanka kulanka qabatay daqiiqadii 22 aad ee ciyaarta kadib markii uu gool u dhaliyey ciyaaryahanka Enner Valencia qaybtii horena waxaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaaminaysay Ecuador.
Markii ciyaarta la isku soo noqday ayay xulka Switzerland u suurto gashay inay la yimaadaan goolkii bareejaha ahaa oo uu u dhaliyey Admir Mehmedi daqiiqadii 48 aad ee ciyaarta.
Hiyadoo sidaas la isku hor joogo , ciyaartuna u muuqato inay noqonayso tii ugu horeysay ee barbardhac ku dhamaata, intii koobka aduunku socday, ayaa daqiiqadihii lagu daray ciyaarta oo 4 ahaa , kii 3 aad markuu dhacay , ciyaartana la sugayo in siidhiga dhamaadka lagu dhufto,
ayuu Haris Seferovic kubad si fiican ay uga soo shaqeeyeen ku hubsaday shabaqa, kaas oo saddexdii dhibcood ee loo dagaalamayay u xaqiijiyey inay Sawitzerland la huleesho.
Ciyaartan ayaa ahayd tii koowaad ee Group E.