Madaxweynah Somalia ayaa ka qayb-gelay Barmaamuj toos uga socday Shaashada Talefishannada oo lagu waydiinayo Su'aalo.
Barmaamujkaasi oo caawa 9:00 ilaa abaaro 12:00 caweysnimo socday waxa ka qayb gelay oo su'aalo ku waydiinaya madaxweynaha Siyaasiyiin magac iyo Miisaan ku leh Soomaaliya.
Barmaamujka oo ahaa Dood Wadaaga Talefishanka UNIVERSAL.
Madaxweynaha ayaa Barmaamujka uga Jawaabay Su’aalo badan oo lagu waydiiyay, kuwaasoo ay waydiiyeen Siyaasiyiin badankoodu xilal sar sare ka soo qabtay Dalka, kana mid yihiin Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Ismaaciil hurre Buubaa, Cali Maxamed Geedi iyo jaamac Cali Jaamac.
Sidoo kale Ganacsato, Dhalinyaro iyo dad kale oo ka mid ah qaybaha Bulshada Soomaaliyeed ayaa ka qayb-qaatay waydiinta Madaxweynaha.
Waxyaabaha wax laga waydiiyay waxa ka mid ahaa Dhaqalaaha, arrimaha Amaanka iyo goorta ay ciidamada AMISOM ka baxayaan Soomaaliya.
Barmaamujkan ayaa socday muddo saddex saac ka badan, waxaanu ahaa kii ugu horeeyay ee Madaxweyne Xasan Sheikh dalka gudihiisa si toos ah dadku su’aalo ugu waydiiyaan.
Barmaamujkan waxa ka qayb-galay oo ku wehelinayay Reysal-wasaaraha Xukuumadda, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Masuuliyiin kale oo laamaha dawladda ah =.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inay dadka Soomaaliyeed waayo aragnimo ka soo dhaxleen dawladihii dalka soo maray oo dhan, ilaa carta laga soo bilaabo, ilaa tan maanta uu madaxda ka yahay.
Waxa uu sheegay inay dawlad somaaliyeed oo cagaheeda isku taagtaa ku dhalan karto marka ay shacbiga iyo dawladda soomaaliyeed gacmaha isqabsadaan.
Sidoo kale waxa uu shacbiga soomaaliyeed u soo jeediyay inay ku kalsoonaadaan Dawladdooda iyo madaxdooda.
Xasan Sheikh oo dhoolacadeynayay intii su’aalaha la waydiinayay, isla markaana dadka Soomaaliyeed u muujinayay Kalsooni iyo niyad samaan, ayaa gunaanadkii Barmaamujka waxa uu dalbaday in dawlada lala shaqeeyo si looga midho dhaliyo yoolka higsiga hanaanka Dawladnimo ee ku-meel gaarnimadii looga soo gudbay.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com