'' Golaha Shacabka Somaliya waxaanu ugu baaqaynaa inay kula xisaabtamaan Xasan Sheekh Booqashadiisii Masar. Cali Baashe Cumar
Garowe(GNA) Urur diimeedka Al-Islaax ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay booqashada uu madaxwaynaha DF ku tagay dalka Masar isla markasna kaga qayb galay dhaarintii madaxwaynaha cusub ee dalkaasi Gen.Cabdicasiis Alsisi.
Gudoomiyaha Ururka Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay dhaawac ku tahay sharafka dowladnimo in Xasan Shiikh uu ka qayb galo dhaarinta Asisi oo xilka si cadaalad daro ah uga tuuray madaxwaynihii sida dimoqraadiga ah loosoo doortay ee Maxamed Musri oo ay taageer sanaayeen dowlado ay ka mid yihiin Qadar iyo Turkiga.
Xasan Shiikh Maxamuud oo ka tirsan ururka Damu-jadiid ee Al-islaax ayaa u muuqda inuu taageeray nidaamka Malatari ee wadanka Masar oo ay dowlado badan ka hor yimaadeen waxana ka mid ah dalalka hadda Taageera DF, Qadar iyo Turkiga.
Islaax ayaa gollaha shacabka ee DF ugu baaqay inay kula xisaabtamaan madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud talaabadii uu dhaarinta Alsisi kaga qayb galay taasoo ururku ku tilmaamay mid aan munaasib ahayn.
''Anigoo ku hadlaya magaca ururka Al-Islaax waxaan aad uga xunahay booqashada Xasan Sheekh uu ku tagay wadanka Masar, isagoo ka qeyb galaya caleema saarka ninka dhiigya cabka ah ee shacabkiisa gumaaday''.
Waxaa laga yaabaa inay saamayn ku yeelato Xasan Shiikh ka qayb galka dhaarinta madaxwaynaha cusub ee Masar maadama dalalka ay saaxiibada yihiin ay ku kacsan yihiin Gen. Asisi madaxwaynaha Masar.
Xidhiidhka reer Galbeedka iyo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa horay u xumaa waxayna tani keeni doontaa inuu bur bur xoogan ku yimaado taageerada ay dalalkani siiyaan Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta Dalka.
Madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, lamana yaqaan sida uu uga jawaabi doono dhaleecaynta ururka Al-islaax uga timid.