Wednesday, June 18, 2014

SSC: Mandaqad hoy u noqotay Colaad weji cusub isu bedeshay.Warbixin


Somaliland: Khaatumo waa nooc ka mid ah Argagixisada oo na dacweysay”




Khaatumo: Duulaanka Somaliland shaacisay wuxuu mideeyay dhul-bahante.




Puntland: ma aqbalayno in Sool iyo Sanaag Caalamku ku sheegaan Dhul lagu muransanyahay




Maxaa sababay inay waddamada Gobolku u dhexdhexaadin waayeen Maamullada is haya? Hoos ka Akhri Warbixin Wariyeyaasha GNA




tALEEXXLaascaanood(GNA)-Gobolka Sool Dagaal ka dhaca oo dhimasho, dhaawac iyo dhibaatooyin kale keenay maaha wax ku cusub tobankii sanaddood ee ugu dambeeyay, hase ahaatee baaqyada Caalamiga ah ee dhinacyada isku haya looga soo jeedinayo dibada, ayaa ah ku sii diiriyay doodda ku arooraysa kala sheegashada loo bixiyay SSC oo laysku yidhaahdo Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.




Ugu yaraan 13 qof oo la xaqiijiyay inay kala kala tirsanaayeen Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaadka u dagaalama Maamulka la baxay Khaatumo ayaa ku dhintay iska hor-imaadyo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay laba deegaan oo Gobolka Sool ka tirsan.




Faro gelin diblomaasiyaddeed oo aan xaqsoor ahayn




Iska hor-imaadyada oo laba maalmood u dhexeeyeen, ayaa mar kale waxa baaq wada jir ah ka soo saaray Ururka EU-da, Maraykanka iyo waddamo kale oo si gaar ah uga hadlay.




Dalalka ku bahoobay EU-da iyo USA waxay ka mid yihiin daneeyayaasha dalalka Gobolka ku yaalla, waxaanay dhowr jeer oo hore iyo horaantii todobaadkanba ku baaqeen in dagaal ka dhaca Goboladan lagu baajiyo wada hadal iyo isu tanaasul.




Waxaanay intaasi ku dareen oo ay Somaliland u soo jeediyeen inay Ciidamada ka jooga Gobolka Sool iyo Deegaamada Bariga Sanaag dib uga qaado fadhiisimada cusub ee ay ku sii durkeen.




Soo jeedintan ayaa Somaliland iyo Puntlandba looga arkay faro-gelin diblomaasiyaddeed oo aan xaqsoor iyo dhexdhexaadin daacad laga yahay ka turjumayn.




 CawilWasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland ee Xukuumadii Rayaale, Ambasador Xuseen Cabdi Ducaale (Cawil), ayaa gardaro cadaan ah ku tilmaamay baaqyada ay Beesha caalamku u soo jeediyay xukuumadda Somaliland ee ku saabsan inay ciidanka ka soo saaraan Deegaamada Gobolka Sool ee lagu muransanyahay.




Shir jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ku sheegay in faro gelin dhaafsiisan xayndaabka diblomaasiyada ay tahay dhawaaqyada ka soo baxaya Wadamada Caalamka ee arrimaha Gobolka Sool ka hadlay.




Ambasador Cawil oo lagu tilmaamo dadka dhinaca siyaasadda arrimaha dibada iyo dhaqaalaha ugu xeel dheer Somaliland, muddo aad u dheerna xilka wasiiru maaliyaha ka soo hayay xukuumaddii Rayaale, isla markaana xilal safiirnimo ka soo qabtay dawladdii Siyaad Barre, ayaa si cad u tilmaamay in Degmada Taleex ay tahay dhul Somaliland ah.




Hadalka Diblomaasigan ayaa imanaya maalin kaddib markii ay Goleyaasha Qaranka siyaasadda Somaliland go’aan midaysan ku dhaleeceeyeen baaqyada EU-da iyo Maraykanku soo saareen.




“hadalka waddamada daneeya Somaliland ka soo baxay waa mid ka soo gudbay Khariidada Diblomaasiyada oo diilintii casayd dhaafay, mana ah wax la qaadan karo”ayuu yidhi.




Halkan ka Daawo:




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa hogaaminayay go’aanka Madaxda Goleyaasha Somaliland ku iclaamiyeen difaacista Xuduudaha dalka iyo jawaabta  ay siiyeen wadamada caalamka ee ka hadlay xiisada Gobolka Sool ee Milateriga Somaliland iyo Maleeshiyaadka khaatumo u dhaxaysa.




EU-da iyo Maraykanka ayaa safiirradooda arrimaha Soomaaliya baaqoodii ugu dambeeyay ee ee colaada Gobolka u soo jeediyay in ciidamada Somaliland laga saaro Sanaag iyo Sool, waxaanay maamulka Puntland u soo jeediyeen inaanay xaalada muranka ah sii cakirin.




Puntland.




Puntland ayaa diiday in Sool, Sanaag iyo Cayn lagu sheego Dhul lagu muransanyahay waxaanay ku tilmaameen deegaamo maamulkeeda hoos yimaada.




Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray  laba maalin ka hor ku caddeeyey inaanay Puntland aqbali Karin Deegaamada SSC lagu sheego soon laysku haysto, una aragto joogitaanka Somaliland weerar gardaro ah.




Ex, SSC. Khaatumo




Maamulka la baxay Khaatumo ayaa dhawaaqyada ugu dambeeyay ee ka soo baxay Somaliland u arka duulaan loo dhanyahay oo lagu sii balaadhinayo haysashada Gobollada ay sheegtaan ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.




“tani waxay taabanaysaa duulaan cad oo aan loo kala hadhin, dadka reer Khaatumona inay sii fogayso mooyaane, waxba kama bedelayso, dalkana waa la difaacayaa horena waa loo difaayay”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Afhayeen u hadlay Maamulka Khaatumo Maxamed Sh. Cumar.




Cumar, ayaa intaas ku daray “ dhawaaqyadani dad aan fogayn oo dhawaa ayay ka sii fogeeyeen nimankaa hadlayay”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Dib u dhac iyo dayac bulsho oo colaad ka dhashay




Si kastaba ha ahaatee xiisada ka aloosan Gobolka Sool iyo Bariga Sanaag, waa mid muddo soo noqnoqotay, saameyna ku yeelatay degenaanshiyaha xagga ammaanka iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah.




Sababtoo ay tahay waxay noqotay faran dagaal oo ka sii durkaysa mandaqad ay Bulshada rayidka ahi ku noolaan karto.




Ma jiraan Hay’addo gar gaar oo wax mashaariic ah ka wada deegaamada bilihii ugu dambeeyay lagu dagaalamay, inkasta oo dadku u badanyihiin xoolo dhaqato hadana cabsida dhanka amniga iyo waxyeelada kale ee colaadu sababayso ayaa ah ku sii kordhaya.




Ma jirto waan waan waddamada gobolka




Dhinacyada isku haya, ayaanay wali muuqan isku day si nabad-gelyo ah wax lagu xalin karo, hadii si kale loo dhigana ma jirto ilaa hada wax waan waan ah laysugu soo dhaweynayo hogaamiyeyaasha Somaliland iyo Puntland iyo kuwa kale ee Gobolladan u dhashay ee Taleex jooga, taasoo hadii laysku si uun Dagaalku u baaqsan lahaa.




Dalalka gobolka ee dhamaan dhinacyadan xidhiidhka la leh, ayaa lagu dhaliilayaa inay ka gaabiyeen inay in uun Maslaxad ka dhex abuuraan Khilaafka colaadaha sababay ee ka taagan kala sheegashada Gobolladan ka tirsan Dhulkii Ingiriisku gumaysanayay qarnigii la soo dhaafay.




Dhulkaasi oo ku jira Khariidada siyaasaddeed ee Somaliland, tan iyo wixii ka dambeeyay bur-burkii Dawladii dhexe ee Maxamed Siyaad barre hogaaminayay.




Dadka indheer garadka ah qaar ayaa tilmaamaya in la gaadhay xiligii Dawladdaha saaxiibku soo faro-gelin lahaayeen colaada sii xumaanaysa oo ah mid saameyn balaadhan ku yeelanaysa mandaqada Geeska Afrika.somaliland-map-2010-21-12




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Email: editor@gobanimonews.com