Wednesday, June 18, 2014

Somaliland:qofka hubaysan ee Bilaysku dilaan Mag-dhow kama bixinayso Dawladdu"


Nuxurka go’aan Wasaaradda arrimaha guduhu soo saartay  oo halis ku ah Ciidanka amniga iyo Bulshada rayidka ah iyo walaac laga muujiyay…




WARANCADDEHargeysa-17.6.2014(GNA)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa maanta ku dhawaaqay, go’aamo cul-culus oo ka soo baxay shirar ku saabsan arrimaha nabad-gelyada oo Gobollada dalka lagu qabtay.




Hadal haynta go’aamadan oo hore loogu soo qaaday shirar ka dhacay Gobolada dalka, ayaa xaasaasiyad laga muujiyay qodobo ku jira oo cabsi badan ku abuuray bulshada.




 Waxaana ku jira qodob fasaxaya inay bilaysku toogasho cad oo aan magdhow lahayn ku fulin karaan cid kasta oo iska caabin kala hor-timaada.




Waxaanay taasi  sii hurinaysaa dareeno hore looga qabay hawl-galada ay fuliyaan Ciidanka Bilayska Somaliland beryahan dambe oo qaab cago juglayn ah u dhaca.




Qodobada ka soo baxay shirarka Wasaaradda arrimaha guduhu ku qabatay Gobollada, ayaa waxa kale oo lagu sheegay in la fuliyo go’aamadda ka soo baxa Maxkamaddaha iyo inaan gacan la siinin qof dambiile ah




Go’aamada oo uu Wasiircadde kaga dhawaaqay Shir jaraa’id oo uu Maanta Magaalada Hargeysa ku qabtay ayaa u dhignaa sidan:-




1.       In dadka wax dilay ee aan lagu heshiin in di"iyo la kala qaato lamariyo qiysaasta sharciga ah




2.       In la fuliyo go'aamada garsoorka iyo maxkadamaha ee fulinta sugaya




3. in aan garab la siinin dambiilaha wax dila ama caadaystay markuu wax yeeleeyo qof islaam ahna beel dabada galiyo, waxaana lagu heshiiyey in dambiilahaasi wax gacana oo la siiyaa aanay jirin




4. in cid kasta oo hub kala hortimaada cidamada Amniga iyaga oo fulinaaya hawl gal sharci ah ee ku wax yeelooba ama ku dhinta  in aanu haba yaraatee wax mag dhaw ah aanu lahayn cid loo raacayaana aanay jirin




5.      in cidii gacan siisa gacan ku dhiiglaha ama dambiilaha iyo cid kasta oo sharciga ka hortimaada uu la mid yahay ruuxii fal dambiyeedka gaystay.




Dareen xaasaasi ah




Dadka qaar ayaa Go’aamadan hore iyo hadaba uga muujiyay walaac xaasaasi ah.




Waxa lagu tilmaamay kuwo fududeynaya inay ciidanku geysan karaan dilal ka badan kuwo ay hore  ugu geysteen dad shacab ah.




“waxani maaha wax sharciya, waxay fududeynaysaa inay askartu si dhib yar toogasho ugu dilaan dadka rayidka ah, waxa kale oo ay abuuraysaa cawaaqib xumo weyn oo nabad-gelyada khatar ku ah”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Maxamed Faarax oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adaha nabad-gelyada Somaliland oo arrintan dhaliilsan.




Waxaanu intaasi ku daray “Sidaana waxa u dhaqma sirdoonka nidaamka keli taliska ah”.




Go’aankan ayaa ah mid maamul oo aan ka soo fulin Hay’addaha xeer dejinta Somaliland, waxaanu noqonayaa nidaam Maamul oo aan sharciyan loo fulin Karin.




Inkasta oo Dastuurka dalku qof kasta oo hub kala hor-yimaada Hay’addaha ammaanka uu dambille ka dhigayo, hadana marka go’aankan la bar bar dhigo ma jiro sharci qeexaya arrintan oo markaasi madnuucaya in qofka noocaas ah hadii la dilo aanu mag-dhow lahayn.




Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha iyo asxaabta Siyaasadda ayaa durba waxa ka soo baxaya dareenno go’aankan lid ku ah.




Dhinacyada Bulshada ee arrintan diidmada kediska ah kala horyimi waxay tilmaamayaan inay khatar ku tahay nabad-gelyada dalka.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Goleyaasha xeer dejinta oo iyagu awood u leh aasaaska xeerarka nabad-gelyada guud iyo kuwa gaarka ah.




Marka si guud loo eego qodobkan dareenku ka dhashay, waxa muuqata in lagu deg degay xiligan dhaqan gelintiisa.




Sababtoo ay tahay waxa meesha ka baxaya in dilalka ciidanka amnigu geystaan ama waxyeelooyinka kale lagu dhameeyo si Sulux iyo sabaallo ah, iyadoo laga duulayo inay dhacaan falal lagaga aargoosanayo askarta.




Waxaana taasi ka sii dhalan kara inay meesha ka baxdo hawl-gudashada dhiiran ee Bilaysku fuliyaan cabsi darteed.




Si kastaba ha ahaatee  arrintan maanta wasiirku ka dhawaajiyay ayaa ah mid laba khatarood keeni karta.





  1. In Ciidanka amnigu si arxan daro ah u weeraraan shacbiga oo xataa hadii ay hub kala horyimaadaan aanay si badheedh ah  u toogan jirin, balse ay cabsi gelin jireen.


  2. Iyo inay askarta laftoodu la kulmaan falal lagaga aar-goosanayo.




Waxaana  sidaa aaminsan  dadka arrimaha ammaaanka tacliiqiya ee arrintan ka hadla.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com