Xulka qaranka Costa Rica ayaa dhirbaaxo ku dhuftay oo ka yaabiyey xulka qaranka Uruguay , kaddib markii ay 3-1 kaga badiyeen kulan aad u xiiso badan oo ay markii koowaad isku arkeen ciyaaraha koobka adduunka oo galay maalinkii 3-aad.
ciyaarta ayaa ahayd kulankii koowaad ee Group D ee caawa.
Rigoodhe madi ah oo uu dhaliyey Edison Cavani oo ay hogaanka ku qabatay Uruguay kadib dib looma arag ee ciyaarta waxa la wareegtay Costa Rica oo u muuqatay mid koobka aduunka si fiican ugu soo diyaar garowday .
Goolkii barbardhacana waxa shabaqa u dhigay weeraryahanka naadiga Arsenal ee Joel Cambell, Oscar Duarte ayaa ku labeeyay kubad madax ahayd oo shabaqa ka baxday, goolka saddexaadna uu dhaliyay costa Rica Marco Urena.
Uruguay inkasta oo uu ka fadhiyey oo dhaawac kaga maqnaa Suarez hadana, jamaahiirtiisii way u dhamayd ,oo waxaa meesha marayay Forland , Cavani iyo xidigii caanka ahaa ee xulka oo dhamaystiran, laakiin ma noqon kuwo ka difaaca guul-darada uu baday, xulka aan awooda badan laga filayn ee Costa Rica.
Ceebta kale ee xulka Uruguay caawa garoonka ka raacday waxay ahayd ciyaaryahankii ugu horeeyay ee kaadhka casaanka qaatay oo noqday Maxi Parriera oo khadka dhexe uga ciyaara Uruguay, taasoo ka dhalatay xanaaqad ay ciyaarta ku sameeyeen xulka Uruguay.
Ciyaarta labaad ee caawa iyo Koobka adduunka waxa wada yeelanayaa oo Group D ay ku wada jiraan labada xul ee is arkay Xulalka Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ka mid ah Naadiyada ugu awoodda badan ee Koobka ka soo qayb-galay.
Ciyaarta dhex maraysa England iyo Italy ayaa hada maraysa haafkii hore, waxaanay ilaa hada labada kooxood isla dhaafi la’yihiin 0-0.
La soco