Sunday, June 15, 2014

Sool: Dagaal kale oo maanta ka dhacay Deegaanka Dharkeyn-geeye


Dharkeyn-geeye(GNA)-Wararka ka imanaya Deegaanka Dharkeyn-geeye ee Gobolka Sool ayaa sheegaya In maanta halkaasi uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaadka Khaatumo.




Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada.




Tiro koob rasmi ah lagama hayo, baaxada khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah balse warar hordhac ayaa sheegaya in dhimashada xaga Somaliland uu ku jiro Taliye ciidan oo aan derejadiisa wali la xaqiijin iyo saddex Askari oo kale.




Warku wuxuu intaas ku darayaa in Sarkaalkaas iyo askarta kale lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen Maleeeshiyaad taabacsan Khaatumo.




Xaalada Deegaankii dooraad lagu dagaalamay ayaa ahayd shalay mid degen.




Dagaaladan soo noqnoqday ayaa dib u soo cusboonaaday Khamiistii la soo dhaafay, kaddib markii ciidamada Somaliland gudaha u galeen Magaalada Taleex oo shir uga socday Khaatumo.




Isha ku hay Gobanimonews wixii ka soo kordha