Sunday, June 15, 2014

Cabdiraxmaan Cirro: dhamaan Masuuliyiinta Xisbigu xaqbay u leeyihiin inay is-sharaxaan"


Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadlay loolan hoose oo ka dhexeeya xubno ka mid ah Madaxda xisbigiisa oo ku hirdamaya Musharaxnimada Madaxweyne ku-xigeenka.




Xubno ka mid ah Madaxda Xisbiga ayaa isku maandhaafsan Musharaxnimada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbigaasi, waxaana ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee xisbiga Axmed Muumin Seed oo dhawaan sheegay inaan la gaadhin xiligii loolan musharaxnimo xisbiga dhexdiisa laga abaabuli lahaa.




Muumin ayaa difaacanaya Musharaxnimada Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga, taasoo Nin kale oo xisbiga ka tirsan oo qurbaha degeni dhawaan ku dhawaaqay inuu u taaganyahay.




Guddoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro), oo maanta la hadlay Taleefishanka Maxaliga ah ee Bulshotv, ayaa sheegay inay dhamaan Masuuliyiinta xisbigu xaq u leeyihiin inay isu sharaxaan Manaasiibta Xisbiga.




“dhamaan Masuuliyiinta Xisbigu xaqbay u leeyihiin inay isu sharaxaan xilalka Xisbiga, laakiinse wakhtibay leedahay, markaa wakhtigeeda ayaynu la sugi doonaa” ayuu yidhi Cirro.




Hore ayaa Guddoomiye ku-xigeenkiisu u sheegay in doorashada Musharixiinta Madaxweyneha iyo ku-xigeenka ee xisbigu wakhti leedahay, loona baahanyahay inaan laga hor ka dhicin xiligaasi, si aan madmadow u soo dhex gelin Xisbiga, loollana u bilaamin.




hadal haynta Loolanka siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ka dhex bilaamay ayaa ku soo beegmaya xili Xisbi Xaakimka talada haya ee Somaliland qarka u saaranyahay inuu ku bur-buro Khilaaf ka dhashay Musharaxnimada Madaxweynaha ee shanta sanadood ee soo socda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com