Sunday, June 15, 2014

Al-shabaab oo xabsiga Dhigay Saraakiil Ajaanib ah oo ka ridoobay


Baraawe(GNA)-Wararka laga helayo Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay in maanta xabsiga lagu guray saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ka soo horjeestay Hogaamiyaha Kooxdaas.




Dad goob-joogeyaal ah ayaa sheegay in dadka la xidhay ay ku jiraan Saraakiil iyo rag kale oo ka mid ah Shaqaalaha hogaamiyaha Gobolka Shabeelle u qaabisal Al-shabaab.




Saraakiishaas lagu Xiray Degmada Baraawe , waxa ka mid ah C/laahi Qanaas oo ka mid ah Saraakiisha Al-shabaab,gaar ahaan kuwa Ajaanibta iyo Nin Darawal u Sarkaal  C/laahi Yuusuf oo Shabaabka u qaabilsan dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hogaan sare ee Ururka,mana ahan markii ugu horaysay  ee Hogaamiyaha Al-shabaab talaabo noocan ah iyo mid dil ah kula kaco saraakiisha ka soo horjeesta awaamiirta.