Saturday, June 14, 2014

Sool: Dagaal Hub lagu kala qabsaday oo ka dhacay Saax-dheer


Hoos ka dhegeyso Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland oo ka hadlay xiisada gobolka Sool




TaleexSaax-dheer(GNA)-Dagaal , ayaa Maanta ku dhex maray Deegaanka Saax-dheer oo hilaadii 80KM u jirta laascaanood Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaad taabacsan Maamulka la baxay Khaatumo.




Dagaalka ayaa waxa dhashay Khasaare dhaawac iyo dhimasho isugu jirta, kaasoo soo kala gaadhay labada dhinac.




Dad goob-joogeyaal ah ayaa ku waramay inay Ciidanka Somaliland laba Gaadhi oo nooca dagaalka ah ka qabsadeen Maleeshiyaadka Khaatumo.




Tiro koob rasmi ah lagama hayo baaxada khasaaraha dagaalkan, inkasta oo Dhimashada labada dhinacba isu geynteeda lagu sheegay tobaneeyo qof oo ciidan ah.




Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay labada Ciidan ee Dagaalamay la xidhiidha baaxada Khasaaraha dagaalka.




Dagaalkan ayaa dhacay Maalin kaddib ay Ciidamada Somaliland galeen Magaalada Taleex oo Shir uga socday Khaatumo, halkaasoo si nabad gelyo ah ay kula wareegeen Milateriga Somaliland.




Wasiirka Gaashaan dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa hanjabaad kulul u jeediyay Maleeshiyaadka Khaatumo.




Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa sheegay inay Ciidanka Somaliland sugayaan ammaanka xuduudka waddankooda, ogolaan doonin-na shir ka dhan qadiyada dalka oo gudaha lagu qabto.




Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaa ka hadlay Dagaalkan, waxaanay Masuuliyiinta Puntland ku tilmaameen mid colaad ka abuuraya Gobolka.




la soco warar cusub oo ku saabsan dagaalka goor dhow..