Hargeysa(GNA)-Ciidamada Ammaanka Hargeysa iyo Dad ka mid ah Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee garabka Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa isku dhici gaadhay, kaddib markii ay ciidanku iska hortaageen xaflad lagu taageerayay Musharaxnimada Muuse oo ka dhacday Hudheelka Crown.
Dadka laga joojiyay Xaflada ay ka qayb-gelayeen ayaa isku dayey inay xoog ku galaan Hudheelka, taasoo Bilayskuna iska caabin kala hor tageen, iyagoo rasaas cirka u ridayay, sida ay goob-joogeyaal Gobanimonews u xaqiijiyeen, inkasta oo markii dambe ay iskaga soo tageen.
Ciidanka ayaa gudaha iyo dibada Hudheelka ku sugnaa fiidnimadii, waxaanay Masaajidka Hudheelka ku xidheen dad ku tukanayay oo ay ka mid ahaayeen Odayaal iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi.
sidoo kale Bilaysku waxay xidheen dhamaan waddooyinka laga soo galo hudheelka, iyadoo dadka laga celinayey meel aad uga fog Hudheelka.
Wariyeyaal ka qayb geli lahaa Munaasibada ayaa laga soo celiyay meel aad uga durugsan Hudheelka, iyadoo la xidhay dhamaan waddooyinka laga galo.
Dad tiro badan ayaa hore u galay Hudheelka Xafladu ka dhacayday , kuwaasoo si nabad qab ah ku galay, markii ciidanku ka dareereen.
Xaflada ayaa si caadi ah u dhacday, walow ay carqalada Bilaysku saameyn ku yeelatay.
Ciidanka Bilayska ah ee Goobta joogay waxa ka mid ahaa Taliyaha qaybta Galbeedka Hargeysa,iyo saraakiil kale, waxaana hogaaminayey Taliyaha Saldhiga Kood-buur Diin-qale.
Munaasibadan ayaa daba socotay kuwo hore oo lagu taageerayay Musharaxnimada Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi oo loolan ficiltan iyo is muquunini ku jirto kala dhexeeyo Madaxweyne Siilaanyo oo isna Musharaxnimo madaxweyne doonaya.
Dhacdooyin maalmihii ugu dambeeyay dhacay oo ay taageerayasha labada dhinac oo abaabulan ay sameeyeen, ayaa u muuqda inay burinayaan Heshiiskii Golaha guurtidu ku dejisay xiisada oo aanay dhinacyadu ku wada qancin.
Go’aamada guurtida ayaa ahaa kuwo loo arko inay dhinac Madaxweynaha u xaglinayeen, isla markaana saluugsanyihiin garabka Muuse Biixi cabdi.
Isku dhaca Dhalinyarada iyo Bilayska ee caawa ayaa laba maalin ka dambeysay, kulan ay Xukuumaddu soo abaabushay oo Odayaal dhaqameedyo reer Hargeysa ahi Taageero ugu fidiyeen Musharaxnimada Madaxweynaha.
Odayaashaasi ayaa waxa shirkooda rabshay dhalinyaro ka cadhaysan talaabada ay qaadeen oo ay u arkeen mid Masiirkooda ka turjumaysa.
Bilayska ayaa xidhay laba ka mid ah Dad lagu tuhunsanyahay inay soo abaabuleen dhalinyarta Shirka Odayaasha khaakhulay Arbacadii Doraad.
Xiisada u dhaxaysa Xisbi xaakimka Kulmiye ayaa u eeg mid wax ku sii kordha mooyaane, aan wali sal dhigan marxalad ay isugu soo dhawaan karaan dhinacyadu.