Hargeysa(GNA)-Somaliland iyo Midowga Yurub ayaa Heshiis ka gaadhay Ammaanka Xeebaha Somaliland.
Kulanka Caawa ka dhacay Hudheelka Ambasadoor ee Magaalada Hargeysa ayaa lagu kala saxeexday Heshiis ka kooban dhawr qodob oo nuxurkiisu ku saabsan la-dagaalanka Budhcad-baddeeda iyo falalka kale ee badaha.
Heshiiskan ayaa waxa labada dhinac u kala saxeexay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo madaxda EU-da ee Bariga Afrika, oo fadhigiisu yahay dalka Djibouti.
Munaasibada Heshiiskan lagu gaadhay waxa ka qaybgalay wufuud labada dhinac kala metelayay.
Qodobada Heshiiskaasi ka kooban yahay oo Warbaahinta loo soo bandhigay waxa ka mid ah:
In Midowga Yurub taageero rasmi ah siiyo dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xeebaha Somaliland.
In marka la gaadho sanadka 2016-ka Ciidanka Xeebaha Somaliland si rasmiya ula wareegaan ammaanka Xeebaha dalkooda.
waxa kale oo heshiiska lagu xusay inay Midowga yurub gacan weyn ka geystaan horumarin lagu samaynayo Ademiyada Culuumta Badda ee Somaliland.
Somaliland ayaa ka mid ah wadamada horey u saxeexay Heshiiska la dagaalanka Budhcad-baddeeda, iyadoo taasi ay dhalisay in xabsiyada Somaliland loo soo wareejiyo Maxaabiis Budhcad badeednimo u xidhan oo soomali ah.
Heshiiskan ayaa u muuqda mid wax weyn ka taraya awoodda ciidanka Xeebaha Somaliland oo sanadihii u dambeeyay horumar fiican laga dareemayay.
Somaliland ayaa waxay leedahay xeeb-dheer oo dhawr boqol oo Mile ah, taasoo aanay ciidamadu hawl-galo joogto ah ka samaynin deegaamo badan oo xeebaha bariga fog ah.
Hase ahaatee Heshiiskan ayaa imanay xili uu socdo qorshe ay Somaliland iyo Djibouti doonayaan inay ka gaadhaan heshiis kale oo dhinaca Kalluumaysiga ah, kaasoo Djibouti ay doonayso badda Somaliland kaga Kalluumaysato qaab heshiis lagu yahay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com